Somaliland: Samaale Oo Salaadii Ciidal-Fidrida La Tukaday Reer Gabiley iyo Taageero Hor Leh oo Ay U Muujiyeen

Date:

Wasiir hore ee Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa maanta Salaadii Ciidal-Fidrida Shacabka reer Gabiley kula tukaday Garoonka Kubada Cagta ee Gabiley Statium halkaasi oo markii salaadii laga baxay uu gabi ahaanba la wareegay Khudbadii islamarkaana ay waji Gabax ku noqotay Afar Wasiir oo ay Xukuumaddu u dirtay Gobolka Gabiley,waxaana sida la sheegay Salaadii Jimce ee isla Maanta duhurnimadii ay Madaxtooyadu u dirtay Madaxweyne Ku xigeenka iyo Masuuliyiin kale oo aan ujeedadooda Tagistooda si fiican loo wada fahmin.
Sida warkani nagu soo gaadhay Saaka arooryadii hore ayuu wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale ku waaba bariistay Gobolka Gabiley isagoo Salaadii Ciidal-Fidrida shacabka reer Gabiley kula Tukuday Garoonka Kubada Cagta ee Badhtamaha Magaalada Gabiley.

Sida ay noo soo tabiyeen dadkii salaada Garoonkaasi kula tukuday,markii salaadii Laga baxay ayaa uu imaamkii Salaada Tukinayay uu ku wargaliyay Shacabkii iyo madaxdii kale duwanayd ee Salaada Garoonkaasi ku tukuday inuu marti u yahay oo uu la joogo maanta reer Gabiley wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Md Cabdicasiis Maxamed Samaale,waxa uu ku soo dhaweeyay Micrafoonka waxaanu Wasiirkii hore ee Maaliyaddu halkaasi ka jeediya khudbad dhinacyo badan taabanysa oo aad u soo jiidatay shacabka reer Gabiley,isagoo mudo saacad ku dhawaad ah garoonkaasi dadkii ku tukuday u Khudbadeeyay.

Waxa Xusid Mudan Inay goobtaasi Fadhiyeen Afar Wasiir oo ay Xukuumaddu U dirtay reer Gabiley si ay Salaada Ciidal Fidrida ula soo tukudaan.
Wararkan ayaa intaa ku daray in markii uu Cabdicasiis Samaale soo gunaanada Khudbadiisii uu halkaasi ka jeediyay,waxa dhinacyada ka galay oo garbaha Qabtay shacabka reer Gabiley yar iyo weyn oo aan u kala hadhin,waxa ay dhex lugaysiiyeen badhtamaha Magaalada Gabiley iyagoo kala waayay meel ay kala qabsadaan balse waxa la sheegay in ilaa Laamayda dhex marta Gabiley ay soo galbiyeen oo ay soo lugaysiiyeen.

Musharaxnimadda Kulmiye

Lama garanay sababta ka dambaysa soo dhawaynta aan hore loo arag ee ay shacabka reer Gabiley u muujiyeen Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland wakhti uu dib u soo nooleeyay olole balaadhan oo uu ugu jiro tartanka Musharaxnimada Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye oo dhawaan la rajaynayo in shirkii Golaha dhex ee Kulmiye la qabto.
Haddaba, Xukuumadda Oo si weyn saaka ula socotay dhaq dhaqaaqa Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland uu ka sameeyay Gobolka Gabiley ayaa Waftigii hore ee Wasiirada ahaa kadaba dirtay wafti uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo salaadii Jimce Shacabka reer Gabiley Maanta duhurnimadii kula tukuday Masjid Jaamaca Gabiley.

Guud ahaan Gobolka Gabiley ayaa maanta si weyn looga hadal hayay soo dhawaynta Wasiirkii hore ee Maaliyaddu Somaliland Md Samaale ee ay u fidiyeen Shacabka reer Gabiley iyo Labada Wafti ee ay Xukuumaddu iska daba dirtay oo loo fasirtay inay Xukuumaddu ka masayrtay soo dhawayntaa Samaale loo sameeyay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...