Somaliland: Wasiirka Daakhiliga Oo Sheegay Inaan La Qaban Karin Wax Shir Qaran la Yidhaahdo

Date:

Wasiirka Arrimaha gudaha ee Somaliland Cali Maxamed Waran Cadde, ayaa ku eedeeyay xisbiyadda mucaaridka ah inay carqaladaynayaan heshiiskii ay kala saxeexdeen saddexda xisbi qaran, ee ku saabsanaa wakhtiga dalka la qabanayo doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda.

Waxaanu sheegay in aan dalka laga qaban karin shir beeleedkii ay dhawaan iclaamiyeen labadda xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI, isagoo tilmaamay wasiirku in Somaliland ay ka soo gudubtay shirar beeleedyo, isla markaana aanay baahi loo qabo in dalka laga qabto shirir beeleedyo.

Wasiirka Daakhiliga oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa ka waramay sidii uu ku yimid sheshiiskii ay axsaabta iyo xukuumaddu kala saxexdeen bishii May ee sanadkani iyo waxyaabihii lagu heshiiyay.

“Waxa aad la socotaan in saddexda xisbi qaran iyo xukuumaddu ku heshiiyeen habkii loo qaban lahaa doorashooyinka kadib markii gudidda doorashooyinku ku dhawaaqeen in aanay suurto-gal ahayn in doorashaddu ku qabsoonto wakhtigii loogu talogalay, oo ahaa 26 bisha June ee sanadkan 2015 oo aynu soo dhaafnay. Arrintaa waxa ka dhashay shir balaadhan, waxaana la kala saxeexday heshiis saddexda xisbi qaran ay isla qaateen oo ay xukuumaduna goob jooga ka ahayd, waxaana lagu heshiiyay in la ixtiraamo go’aankii golaha Guurtidu muddo xileedka ugu kordhiyeen xukuumadda iyo golaha Wakiiladda.

Sidaa ay ugu kordhiyeena ay sharci tahay, ayaa lagu heshiiyay oo aan hayaa, saxeexii saddexda guddoomiye xisbi qaran iyagoo ku heshiiyay in qodobkaasi yahay mid dastuuri ah, oo sax ah. Qodobka labaad wuxuu dhigayay oo ay saxeexeen in doorashooyinka madaxtooyadda iyo golaha Wakiiladda ay qabsoomaan bisha December ee sanadka 2016 dhexdeeda,”ayuu yidhi Wasiirka Daakhiligu.
Wasiirka oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi “Waxaan maqlaynay in axsaabta mucaaradku shaki ka muujiyeen heshiiskaasi iyo arrin aanu u aragnay in ay jabiyeen heshiiskii ay galeen, oo ahaa muddo xileedka ay guurtidu kordhisay inuu sharci yahay lana ixtiraamayo, in ay yidhaahdeen marka la gaadho 27 bishan July in aanay waxba ka jirin wixii ay heshiiska ku galeen xisbiyadda mucaaridku. Heshiiskaasina waxa uu ahaa in la sharciyeeyo, kaasi oo ahaa heshiis siyaasadeed maadaama oo aynu hayno saxeexii iyo ogolaanshihii guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaridka. Waxaan is-waydiinayaa waa ayo cidda ku kaliftay guddoomiyeyaasha mucaaridka in ay si badheedha uga noqdaan heshiiskaasi, iyagoo leh 27 bisha July wax lagu heshiiyay ma jiro. Waxa kale oo been abuur laga sameeyay in dawladu ka baxday heshiiskii ay axsaabta la gashay, waxaan leeyahay waxba kama jiraan.”

Wasiirku mar uu ka hadlayay shirka beeleed ay xisbiyadda mucaaridku ku baaqeen, waxa uu yidhi “Waxaan jeclahay in aan cadeeyo haddii aynu nahay umadda reer Somaliland hal mar ayaan qabsanay wax la yidhaahdo shir-qarameed, waxa uu ahaa shirkii ka dhacay Boorama ee lagu soo dhisay dawlada Somaliland. Shirkaasina waxa uu dhalay dawlad dhisan oo nidaamka sharciga ah leh, oo dalkan taladeedii mas’uul ka ah qaranimada Somaliland. Waxaanan cadaynayaa in aanu jirin shir qarameed kale oo sharcigu jideeyay oo dalkan laga qaban karo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...