Somaliland: Safarikii Madaxweyne Silaanyo ee Sucuudiga oo Baaqday

Date:

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo oo la filayay inuu Isniintii ina dhaaftay u socdaalo wadanka Sucuudiga si uu u soo guto waajibaadka Cimrada, ayaan weli ka bixin magaalada Hargeysa.

Socdaalka Madaxweyne Siilaanyo oo ay xubno wasiiro ahi kaga sii horeeyaan wadanka Sucuudiga ayaan si rasmi ah loo garanayn sababta dib u dhaca keentay, iyadoo ay ahayd in Madaxweyne Siilaanyo bilowga tobanka dambe ee bishan barakaysan ee Ramadaan ku sugnaado xaramka barakaysan. Hase yeeshee waxa soo baxaya warar kala duwan oo jawaab ka bixinaya dib u dhaca socdaalka Madaxweynaha.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dib u dhaca ay sabab u tahay dal ku galkii uu Madaxweynuhu ku soo cimraysan lahaa oo dib u dhacay, halka ay warar kalena sheegayaan inay sabab u tahay wefti madaxweynaha ka sii horeeya oo ku mashquulsan helitaanka qaabkii ay Madaxweyne Siilaanyo ula kulansiin lahaayeen boqorka Sucuudiga oo isna Xaramka ku sugan iyagoo raadinaya ogolaanshihii ay boqorka iyo Madaxweynuhu isku arki lahaayeen.  Si kastaba ha ahaate, Madaxweynaha ayaanay weli kala cadayn inuu baajin doono socdaalkiisa mar haddii ay maalmo ka mid ah tobanka hore ee bisha barakaysan ee Ramadaan socdeen, inkastoo ay wararka qaar sheegayaan in Madaxweynuhu bixi doono jimcaha beri haddii Alle idmo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...