Iran & Maraykanka oo ku heshiin la’a qodobo muhiim ah

Date:

Waxaa markale dib loo dhigay xiligii lagu waday in la shaaciyo heshiis ay wadagaareen dalalka reer Galbeed ee uu hogaamiyo Maraykanka iyo dowlada Iran.

Wadahadalada la xariira barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iran oo ka socda magaalada Vienna ee dalka Austria ayaa markii labaad muddo asbuuc gudaheed ah dib loo dhigay wakhtigii la doonayey in lasoo afjaro.

Caqabadaha hortaagan shirka ayaa lagu tilmaamay kuwo la xariira qodobada xasaasiga ah oo ay weli isku khilaafsan yihiin Maraykanka iyo Iran.

Waxaa kamid ah qodobada hada lagu kala aragti duwan yahay, arrinta la xariirta Qaadista cunaqabateynta Hubka ee saaran dalka Iran.

Dowlada Iran ayaa horey tanaasulaad uga sameysay dhanka hakinta iyo hoos u dhigida barnaamijkeeda Nukliyeerka, iyadoo ku bedalatay qaadista cunaqabateynta Dhaqaale ee saaran.

Dhinaca Maraykanka ayaa sidoo kale doonaya in kormeerayaasha caalamiga ah booqdaan xarumaha militariga Iran, walow dowlada Iran qodobadkaasi ay dooneyso inaysan u fasaxin dhamaan xarumaheeda militari kormeerayaasha caalamiga ah.

Iran ayaa sidoo kale dooneysa in sida ugu dhakhsiyaha badan looga qaado cunaqabateynta saaran dhanka Hubka, si ay markaasi u dayactirato hubka ciidamadeeda.

Dalalka xubanaha ka ah Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee shirkan ku sugan ayaa ku kala qeybsamay qaadista cunaqabateynta hubka ee Iran.

Maraykanka iyo UK ayaa diidan, halka Ruushka iyo China taageersan yihiin in la qaado cunaqabateynta hubka ee saaran Iran. Halka dalka France uusan weli go’aan qaadan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...