Giriiga oo Dhibaato ku noqday Midowga Yurub!

Date:

Waxaa xalay saqdii dhexe dhamaaday shir deg deg ah oo ay magaalada Brussels ku yeesheen hogaamiyayaasha Midowga Yurub oo ka tashanayey sidii ay ka yeeli lahaayeen wadanka Girgiiga.

Kulankan ayaa la xariira Aftidii ay shacabka Giriiga ku qaadaceen hindisihii dhaqaalaha ee lagu xakameenayey deeqda dhaqaale ee lasiiyo dowlada Girgiiga.

Midowga Yurub ayaan xiligan dooneyn in wadanka Giriiga uu ka baxo dalalka ku bahoobay Midowga Yurub, arrintan ayaa keeni karta in ay saameyso dalalka kale oo iyaguna la daala-dhacaya dhaqaale xumada sida, Spain, Italy, Portugal iyo Ireland.

Hogaamiyayaasha Midowga Yurub ayaa ku heshiiyey in dowlada Girgiiga laga codsado in khamiista beri ah ay soo gudbiyaan qorshe cusub oo ay ku badbaadinayaan bangiyada dalkaasi Giriiga iyo dakhliga wadankooda, qorshahaasi oo lagu falaqeyn doono shirweyne ay dalalka Midowga Yurub isugu imaanayaan maalinimada Axada ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...