Somalia: 3500 oo qaxooti Soomaali iyo Yemeniyiin ah oo soo gaadhay Puntland

Date:

Markab sida in ka badan 3000 qaxooti isku jira Soomaali iyo Yemeniyiin ah ayaa shalay gelinkii dambe soo gaarey dekadda magaalada Bosaaso.

Qaxootigan ayaa kasoo ambabaxay dekadda magaalada Mukalla, waxayna ku qaadatay dhowr maalmood in ay soo gaaraan Bossaso sababo la xiriira hawada Badda oo kacsanayd, waxayna isku jiraan haween, caruur iyo rag oo tiro ahaan gaaraya 3,502-qof.

Masuuliyin ka tirsa Xukuumadda Puntland, maamulka gobolka Bari iyo kan degmada Bossaaso ayaa kusoo dhoweeyay dekadda, waxaana ku jirey sidoo kale Hay’addaha Caafimaadka iyo kuwa gargaarka.

Dadka xaaladoodu liidatay ayaa la geeyay xarumaha caafimaadka sidii loola tacaali lahaa.

Wasiir kuxigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdullaahi Xaashi Qoob-deero ayaa sheegay in ay sii wadayaan gargaarka ay u fidinayaan qaxootiga kasoo cararaaya colaada Yemen, mar uu u waramayay BBC-da.

Tan iyo markii ay dagaalada ka bilowdeen dalka Yemen, waxaa deegaanada Puntland soo gaarey qaxooti ku dhow 20,000 qof oo intooda laga caawiyey sidii ay u gaari lahaayeen goboladii ay doonayeen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...