Somaliland: Madaxweyne Silaanyo Oo Abaal Marino Qaaliya Guddoon siiyay Tartameyaashii Quraanka

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa maanta Abaalmarino kala duwan gudoonsiiyey Ardaydii ku guulaysatay Tartanka Quraanka kariimka ah ee ka socday Masjidka Cali Mataan oo la soo gebegabeeyey.

Tartankan ayaa noqonaaya kii saddexaad ee uu madaxweynuhu si xidhiidha u gudoonsiiyo Ardayda ku guulaysatay kaalmaha hore Baabuur iyo hadyado kala duwan, waxaanu Galabta madaxweynuhu bixiyey gaadhigii saddexaad oo ah NOAH, iyadoo uu Madaxweyne labadii tartan ee kan ka horeeyeyna uu bixiyey gawaaadhi kuwaasoo kala ahaa NOAH iyo Markii Indhacade ah.

Madaxweynaha ayaa ku suntan tartankan quraanka kariimka ah madaama uu noqday mdaxweynihii u horeeyey Somaliland ee maalgeliya tartan quraan ah.

Ardayda ku guulaysatay tartankan oo ka kooban afar ruux waxa u kala guulaysteen sidan:-

  1. Cabdiwahaab Ismaaciil Maxamed (Hargeysa) $700, Kitaab quraana iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
  2. Cali Aadan Cismaan (Berbera) $1,000, Mobile qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
  3. Ismaaciil Cumar Madar (Hargeysa) $1,300, Kitaab, Laptop qaaliya iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.
  4. Maxamed Axmed Xasan (Hargeysa) Gaadhi, $200 iyo hadyado kala duwan oo ka kooban todobad shay.

Ugu horayn waxa halkaasi ka hadlay Culimo awdiinkii soo qaban qaabiyey tartankan oo ay kow ka tahay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland, ka dibna waxa halkaasi loogu sameeyey Ardayda iyo Culimadii Afur iyo Casho sharaf uu madaxweynuhu ku maamuusay.
tartanka
Wasiir Madaxtooyada JSL Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna Halkaasi ka hadlay ayaa bogaadiyey Tartan islamarkaana u hanbalyeey Aradaya kalmaha hore ka gashay, wuxuuna xusay inay muhiim tahay in kor loo qaado qur,aanka kariimka ah iyadoo sharaf iyo maamuus u ah Diinteena islaamka, sidoo kalena wuxuu hanbalyo u diray Wasaarada Diinta iyo Awqafta Somaliand oo tartankan soo abaabushay.

Dhanka kale waxaa isna halkaasi ka hadlay mid kamida Culimada Masaarida oo ka socday Jaamacada Al-Azhar islmarkaana maal mihii u danbeeyey ku sugnaa Magaalada Hargeysa, waxaana ay sheegeen in Somaliand makaan nabada iyo horumarku ka tis qaaday sidoo kalena waxay soo dhaweeyeen Tartanka quraanka kariimka iyo kor u qaadida diinta islaamka, Waxaana ay Madaxweynaha iyo Xukuumada ku amaaneen Amniga iyo Nabad gelyada ka jirta Dalka Somaliland.

1545564_794584530655402_8674932209681586977_n

Ugu Danbayntiina waxaa Madashaasi soo gunaanaday Madaxweynaha JSL Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud Siilaanyo una hanbalyeey Ardayda ku guulaysatay Tartankaasi qur,aanka kariimka ah sidoo kalena ku amaanay Wasaarada Diinta iyo Awqaafta iyo Culimadii soo qaban qaabisay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...