Somaliland: Wasiirka Duulista Somaliland Oo Sheegay Inuu Leeyahay Han Madaxweyne

Date:

[quote]“Waxaan qabaa inaan hogaaamin karo Umadd balaadhan, laakiin Hankaygu waa mid waaqaca ka turjumaya ma degdegsani, ma lihi imikaan sharaxanahay” Wasiir Xaashi[/quote]

Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Md, Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa ka fal celiyey su’aalo ay waraahintu ka waydiisay hankiisa siyaasadeed iyo halka uu gaadh siisan yahay.

Wasiir Maxamuud Xaashi ayaa sheegay inuu leeyahay han weyn oo siyaasadeed balse aanu wakhtigan ku degdegsaneyn arintaasi isla markaana hankiisu uu yahay mid waaqa ka turjumaya, imikana aanu sharaxnayn.

Wasiirka Duulisa Somaliland oo maalintii shalay la hadlay Saxaafadda ayaa mid ka mida Wariyeyaashu uu waydiisay su’aal ku saabanayn inuu leeyahay han madaxweynenimo, waxaanu Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaaa arrintaasi kaga jawaabay sidan “ waaa su’aal fiican, Siyaaadda kamaan bilaabin Wasiirnimo, waxaan ka soo bilaabay meel hoose, waxaaan ka soo bilaabay anigoo labaatan jir ah oo dugsigii sare ka baxay ayaan ku biiray ururkii SNN ee halgankii xoraynta dalka, waxaan ka soo qabtay maamulo, buurtaas dheer ee halka u saraysaa Madaxweyne tahay, hoostaan ka soo fantay, Maayar ayaan soo noqday, Xildhibaan ayaan soo noqday, han weyn baanan leeyahay dabcan, qofka bani aadamka ahina sideedaba hanbuu leeyahay, ana Han weyn ayaan leeyahay, waxaan qabaa inaan hogaaamin karo Umadd balaadhan, iyo inaan horumar balaadhan samayn karo, laakiin Hankaygu waa mid waaqaca ka turjumaya ma degdegsani, ma lihi imikaan sharaxanahay, laakiin ma han li’i.” ayuu yidhi Mudane Maxamuud Xaashi.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...