Somaliland: Wasaaradda Dib U Dejinta Oo Deeq Raashin Ah U Qaybiyay Qaxoonti Yemaniyiin Ah

Date:

Wasaaradda dib u dejinta Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta u qaybisay raashin loogu tallo-galay inay ku afuraan bisha barakaysan ee Ramadaan, dadka ka soo qaxay dagaalada ka socda wadanka Yemen ee ku sugan dalka iyo dad danyar ah oo degan magaaladda Hargeysa.

Xaflad Loogu qeybinayay raashinkan 905 qoys oo danyar ah iyo 145 qoys oo ka soo barakacay dagaalada Yemen oo ku wada sugan magaaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb-galay Wasiirka wasaaradda dib u dajinta Cali Siciid Raygal, wasiir ku xigeenka shaqada iyo arrimaha bulshada Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan iyo wasiir ku xigeenka Maamulka goboladda ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Faarax Cadare.

Wasiirka dib u dejinta Cali Siciid Raygal oo halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in la filayo in ay dalka soo gaadhaan dad kale oo ka soo cararay dagaalada Yemen, waajibna ay tahay in la caawimo dadkaas soo barakacay, waxaana uu yidhi.

[quote] “Cid kasta oo aduunka ku nool ee muslimiinta ah waxa ku waajiba in wax la taro dadka soo barakacay, baryahan aad ayay u soo badanayaan dadkii qaxoontiga ahaa ee ka imanayay dalka Yemen, waxaana la filayaa in Somaliland ay soo gaadhaan dad gaadhaya kumaanaan kun oo qof cid kasta oo wax tartana ajar iyo xasanaad ayay ka helayaan.”[/quote]

Wasiir ku xigeenka maamulka goboladda ee wasaaradda arrimaha gudaha Axmed Faarax Cadare oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dadkani baahi u qabeen in la guddoon siiyo raashinkan.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshadda Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ka go’an tahay inay caawiso dadka ka soo barakacay dagaalada Yemen iyo dadka danyarta ah ee ku sugan dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...