Somaliland: Wefti Imaaraati ah iyo madax ka tirsan xukuumadda oo gaadhay SooL

Date:

Wefti balaadhan oo isugu jira xukuumadda Somaliland iyo Dawladda Imaaraadka Carabta ayaa Salaasadii gaadhay tuulada Adhicaddeeye oo kaabiga ku haysa Laascaanood.

Dr. Abdirisaaq Jamac Nuur, Agaasimaha Wasaaradda Khayraadka Biyaha, ayaa weftiga hoggaaminayey waxana ku wehelinayey Badhasaabka Maroodijeex Jeeniyare, Taliyaha Qaybta Booliska Sool, odayaal iyo waxgaradka ka tirsan gobolka Sool iyo sidoo kale khuburo ka socota Imaaraadka Carabta.

Ujeeddada socdaalka weftiga ayaa ah in ay u kuurgalaan suurtogalnimada biyo wanaagsan oo laga soo saari karo qaybo ka mid ah gobolkaas.

[quote]“Ujeeddada safarkayagu waa in aanu sahamino guud ahaan biyaha gobolka, gaar ahaana biyo-xidheen loo samaynayo deegaanka Adhicaddeeye ee gobolka Sool” ayuu yidhi Agaasime Cabdirisaaq.[/quote]

Agaasimuhu waxa kale oo uu sheegay in weftigan Imaaraadka ka yimid uu daba socdo safarkii uu dhawaan Madaxweyneha Somaliland ku tagay dalkaas kagana dalbaday in Somaliland laga taageero dhinacyo ay biyuhu ka mid yihiin.

9-kii Juun ayuu Siilaanyo la kulmay dhaxal-sugaha Imaaraadka, wuxu kala hadlay mashaariic biyuhu ka mid yihiin
9-kii Juun ayuu Siilaanyo la kulmay dhaxal-sugaha Imaaraadka, wuxu kala hadlay mashaariic biyuhu ka mid yihiin

Degmada Adhicaddeeye ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay kuwa hela biyaha roobka ee ugu badan, hase ahaatee biyahaasi iyada oo aan laga faa’iidaysan ayay badda galaan. Biyo-xidheenka ay haatan dawladda Imaaraadka Carabtu qorshaynaysaa haddii uu hirgalo wuxu wax badan ka bedeli doonaa heer-nololeedka dadka deegaankaas. Sidoo kale wuxu noqon karaa tijaabo horseedda in biyo-xidheeno kale laga yagleelo gobolkaas iyo gobollada kale ee dalka.

Dadwaynaha degaankaas iyo odayaashooda ayaa ku diirsaday safarkan Imaaraadka ku sahaminayo biyaha deegaanka waxayna sheegeen in ay u soo noolaatay rajadii ay ka qabeen in mar uun xaaladda biyaha ee deegaankooda ay wax iska bedeli doonaan.

Weftigu intaas uun kuma ay ekaan. Sidoo kale waxa ay soo mareen dugsiga boodhinka ah ee ku yaal deegaankaas iyagoo indho-indheeyey baahiyaha uu qabo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...