Somaliland: Wasiirka Warshadaha Somaliland Oo Qaabilay Ganacsato Chinese ah

Date:

Wasiirka wasaarada warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse ayaa ku qaabilay xarunta xafiiskiisa wefti balaadhan oo ka kooban ganacsato u dhashay wadanka China oo maal-gashi u socda.

Wasiirka Warshaduhu waxa uu warbixin dheer ka siiyey xaalada wadanka iyo sida loogu baahan yahay dhinaca maalgashiga I da yarta Somaliland shaqo abuur baladhan uga helaan waxaan uu wasiirku yidhi “Waanu ku farax sanahay inay wadanka maal galinayaan, china waa nimanka manta dunida horumariyey, markaa haday maalgalin u socdaan, dhaqaaleheenii ayaa kor u kacaya, dadkeena ayaa shaqo ka helaya, cashuur baynu ka helaynaa.”

“Wax kasta kor bay u kacayaan, sidaa darteed ayaanu ugu soo dhawaynay halkan way tagi doonaan iyaga oo wefti China ka socda oo ganacsatadii ugu waa waynad ayey imanayaan haddii ALLE yidhaahdo, wasaaradana waxay ka wada hadleen inay xubno wasaarada ka socdaana ay geeyaan wadankooda oo ay tusaan warshadaha iyo siday u shaqeeyaan markaa wafti qiimo leh ayaau ahaa oo wax wayn inoo soo kordhin kara, dad badan oo yimaad way jiraan laakiin ganacsatada tan dawlada ayaa la socotay oo wax la qiimaynaysa markaa inaynu wax badan ka faaidno ayaa meesha taala, dadkeenana waa dad soo dhaweeya martida iygan way ma qasuudeen nabad galyada Somaliland taala iyo sida ay dadku u soo dhaweeyaan dadka ajanabiga ah,”ayuu yidhi Wasiir Shucayb Maxamed Muuse.

Xubno ka mid ah Ganacataddan Chinese-ka ah ayaa iyagana aad ugu mahad naqay masuuliyiinta ugu sareysa wasaarada warshadaha iyo dhanaca kale ka mahad naqay soo dhawaynta balaadhan ee lagu soo dhaweeyey.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...