Somaliland: Taliyaha Ciidanka Booliska Oo Ka Hadlay Koox Dabley Hubeysana Oo Booliska Rasaas Kala Hor Timi Iyo Khasaarihii Ka Dhashay

Date:

[quote]“Cidkasta oo isku dayda inay xoog isticmaasho oo ay hub adeegsato inaanay ciidanka boolisku u dul-qaadanayn oo ay gacan bira ku qabanayaan” Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan[/quote]

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa shaaca ka qaaday inay Ciidanka Boolisku soo qabqabteen todoba nin oo Dableysan hubeysana oo ciidanka rasaas kala hor yimi iyo Afar Qori oo AK47-na iyo dhowr baabuur oo ay wateen, isla markaana nin ka dhaawacay dableydii.

Taliye Fadal waxa uu sida ku sheegay Shir-Saxafadeed uu galabta ku qabtay Magaalada Hargeysa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeyo Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka hadlayay sida uu hawlgalku u dhacay ayaa waxa uu yidhi “Hogaamada Ciidanka Booliska, iyo saraakiisha kale ee halkan fadhida waxaan ku salaamayaa Salaanta Islaamka, waxaan halkan idinku sheegayaa war-bixin hor-dhaca oo baadhis ku jirta waana waajib si aan meelahaa war khalan la idiinka siinin, inta kale baadhistii ka hor dhici-maayo oo baadhistii ayaa lagu jiraa, Inshaa Alaahu markay baadhistu gebo-gabowdo wixii ka soo baxa waanu ka jawaabi doonaa markay wakhtigeeda gaadho,Saaka Abaaro 9:00 Subaxnimo waxa ciidanka Booliska ay odayaal waayeel ahi ku soo wargeliyeen in dhulka Masalaha oo horena dil uga dhacay oo ku taala Koonfurta Magaalada Hargeysainay rag hubeysan oo gaadha ilaa dhowr iyo laaban ay joogaan, Ciidanka Boolisku iyaga oo gudanaya waajibka ka saran nabadgelyada qaranka Somaliland iyo bulshada reer Somaliland waxay ku baxeen raga hubeysan oo weliba ka soo jeeda dhicii falkii dilka nin dhinacooda ka tirsani uu ugu geystay, kadib markii ciidanka boolisku hawlgalkaasi galeen waxay raggaasi kala hor yimaadeen iska cabin ama shaqo iska hortaag hubeysan oo ay rasaas ciidanka booliska ku soo rideen.”

Mar uu Taliye Fadal ka hadlayay tirade dableyda iyo qoryaha ay soo qabqabteen ayaa waxa uu yidhi“Ciidanka boolisku iyaga oo cuskanaya sharciga sida uu sharcigu u baneynayo mar haddii hub lagala hor yimaado, difaacaya naftooda, iyo ta qaranka jamhuuriyada Somaliland iyo bulshada reer Somaliland-ba rasaas ayay qoladaasi (Dabley hubeysan) kaga horeeyeen ayaa la is-weydaarsaday, rasaastaas hal nin oo qoladii hubeysnayd ee weerarka soo qaaday ayaa dhaawacmay, waxaana goobtaasi laga soo qabtay todoba eedeysane oo uu ka mid yahay eedeysanihii hoggaamiyay kooxdaasi ee sida sharci darada ah u socotay,waxa kale oo la qabtay saddex Gaadiidkii ay isticmaalayeen. Ciidanka boolisku markii lagala hor yimi rasaasta waxay qabsadeen waajibkoodii, iyaga oo istifaacaya, qoryahaa hortiina yaala waa hubkii lagu qabtay eedeysanayaasha 4-ta qoriba waa AK-47,waa qoryihii ay ciidanka booliska ku soo ridayeen, waxaanan marka kowaad halkan uga mahad-celinayaa ILAAHAY,marka labaadna Ciidanka booliska Somaliland, dhamaan Saraakiisha Ciidanka Booliska iyo Ciidankii fuliyay hawlgankan”.

Taliye Fadal waxa uu fariin u direy dad uu ku tilmaamay denbi-quudayaal ah, waxaanu yidhi“Waxaan halkan fariin uga dirayaa dadka denbi quudayaasha ah, ee arrimaha dhulka hubka u soo qaata, in Ciidanka Boolisku isaga oo gudanaya waajibaadkiisa qaran oo aan sharciga ku xad-gudbayn, inay ka qaadi doonaan talaabo adag. Ciidanka boolisku u dul-qaadan-maayo cid kasta oo hub soo qaadata, ama Magaalo ha ahaato, ama meel kale ha ahaato, waa arrin sharciga khilaafsan had iyo jeer ay isticmaalaan dadka dhul-cunka ah,”Gari  laba nin kama wada qosliso, Dhulka labada qof mid uun ayaa helaya, laakin ciidanka boolisku waa fulin, oo ay shaqadoodu tahay inay waajibka qaranimo qabsadaan.meelkasta oo nabdgelyo darro laga soo sheego ma cid hubeysan ciidanka boolisku way ka hawlgalayaan…. Cidkasta oo isku dayda inay xoog isticmaasho oo ay hub adeegsato inaanay ciidanka boolisku u dul-qaadanayn oo ay gacan bira ku qabanayaan iyaga oo adeegsanaya sharciga, dadka nooca u dhaqmaana waxay la kulmi doonaan jawaab adag”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...