Somaliland: Dahabshiil Bank Oo Bilaabay Mashaaruuc lagu Maalgalinayo Ganacsatada Yar Yar

Dahabshiil Group

Shirkadda Dahabshiil Group oo ka mid aheyd shirkado maanta ka soo qeyb galay carwo laga furay maagalada hargeysa ayaa waxaa ay madasha carwadaasi ku soo bandhigtay Adeegyadda Kala duwan ee ay soo Korshisay.

Shirkada dahabshiil group ayaa waxaa ay bilowdey mashaariic ay ku kaabeyso dadka rer somaliland ee  raba in ay abuuraan ganacsiyada yar yar .

Shirkadan oo ka mid aheyd shirkado maanta ka soo qeyb galay carwo laga furay maagalada hargeysa ayaa waxaa ay madasha carwadaasi ku cadeysay in shirkada dahabshiil ay bilowdey mashriicdaasi isla markaana ay qeyb weyn ka ciyaarto shaqaleysiinta dhalinyarda rer soamliland ee ka soo baxaday jaamacadaha dalka    Sidaasna waxaa sheegay Axmed Faarax oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Dahabshiil Banka “cid ugu baan ee noo shaqeysaa waa muwaadiniintii ka soo baxday jaamacadaha dalka iyo inyar oo aanu aqoon

dheeraad ah bidnay oo jaamacaha dibada ka soo baxay mar kastana mihiimada koowaad waxaa aanu siinaa ardeyda ka soo baxda jaamacadaha wadanka  runtiina  waxaan odhan karaa waajibkii ka shirkad ahaan hadii aanu nahay dahabshiil waanu ka soo baxnay  waxaana maanta somaliland gudaheeda nooga shaqeeya shaqaale 6000 kor u dhaafaya.

waxaaan jecelahay in aan halkan idiinka sheego ama aan ka xuso in dahabshiil banka uu abuuray mashariic lagu kabayo ama lagu caawinaayo dadkeena doonaya in ay abuuran ganacsiyo yar yar oo ay rabaan in ay kaga kaaftoomaan in ay cid u shaqeeyaan cidii faah-faahin rabtaana  waxaa ay la xidhiidhi doonta xarunta bangiga dahabshiil bank oo siin doona warbixin.

qof kasta oo aanu maal galinaa waxaa uu shaqaaleysiiya ugu yaraan shan qof waana shuruud ka mid ah shuurudaha aanu la galno “ Ayuu Yidhi Axmed faraax oo ah sarkaal sare oo ka tirsan Shirkada Dahabshiil Group.

Comments

comments