[quote]“Waxaan Raalli Gelin Ka Bixinayaa In Xisbigii UDUB Aan U Dhiibay Cali Warancadde Oo Aan Han Madaxweyne Lahayn Oo Uu Gacantiisa Ku Burburay”[/quote]
Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin oo maanta dalka ku soo laabtay kadib safar uu muddo badan ugu maqnaa dibadaha ayaa waxa uu markii ugu horraysay ka hadlay oo si cad u sheegay cidda uu isagu saarayo masuuliyadda burburkii ku yimid xisbigii UDUB ee burburay markii doorashada lagaga adkaaday sannadkii 2010.
Daahir Rayaale Kaahin oo wax laga waydiiyey sida uu u arko ama waxa uu kaga jawaabayo cidda leh masuuliyadda Burburkii xisbiga UDUB waxa uu si aan leexleexad lahayn u sheegay in uu arrinkaasi ka dambeeyey Cali Maxamed Warancadde oo ay ahaayeen saaxiibbo aad isugu dhawaa wakhtigii xukuumaddiisa imikana ka tirsan Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
[quote]“Cidda xisbigii UDUB burburisay waa Cali Maxamed Warancadde oo aan isaga damacsanaa in uu xisbiga qabto. Waa ninkii ku faanayay xisbigu jeebaddayda ayuu ku jiraa”.[/quote]