Rasmi: Juventus Oo Dhameystirtay Saxiixa heshiiska Sami Khedira

Kooxda kubada cagta ee Juventus ayaa xaqiijisay iney heshiis la gaareen ciyaariyahanka khadka dhexe ee kooxda Real Madrid iyo xulka qaranka Germany ee  Sami Khedira kaasoo ay si xor ah kagala soo wareegeen kooxda ka dhisan caasimada Madrid

Xidiga heerka caalami ee xulka Germany ayaa hore u diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxda Los Blancos kadib markii uu xili ciyaareed aad u adag ku qaatay kooxda isagoo inta badan u dhexeeyay kursiga keydka ee koxda iyo qolka dhaymada

Khedira oo in badan lala xiriirinayay inuu ku laabanayo horiyaalka Bundesliga ee dalka Germany iyadoo si weyn ay u doonayeen kooxaha Schalke iyo Munich halka sidoo kale kooxaha ka dhisan Premier League ee Chelsea iyo Arsenal ay dusha kala socdeen xaalada xidigaan ku guuleystay koobka aduunka wuxuuna haatan ugu danbeyn doortay inuu u wareego kooxda ka dhisan Turin.

“Koioxda kubada cagta ee Juventus waxay maanta dhameystirtay saxiixa Sami Khedira, 28 jirkaan ayaa si rasmi ah uga soo biiro doono kooxda dhanka kooxda Real Madrid 1 bisha July sanada 2015 wuxuuna kooxda la gaaray heshiis afar sano ah oo ku eg sanada 30 june 2019″ ayaa lugu yiri warbixin rasmi ah oo lugu daabacay boga kooxda Bianconeri

Comments

comments