“Somaliland waa Dal Caan ku ah illaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Xaqdhawrka Qaxootiga” Wasiir Xirsi

Date:

Somaliland waa Dal Caan ku ah illaalinta Xuquuqda Aadamaha iyo Xaqdhawrka Qaxootiga, waana Dal Hoy u Noqday Shacabka Geeska ee ay Dalalkooda Ragaadiyeen dagaaladu.

Waxaa mudooyinkii u dambeeyey dagaalo xoogani ka socdeen xoogaga is caabinaya ee ku hirdamaya dalka Yemen ee xuduuda badda ah la leh Somaliland, waxaanay dagaaladaasi sababeen baro-kac baaxad badan oo ku yimaada shacabkii kala jinsiyada duwanaa ee ku dhaqnaa dalkaasi

Sida la ogyahay, Jamhuuriyada Somaliland oo mudooyinkii u dambeeyey ahaa dal caalamka tusaale uugu noqday dhinacyada kala duwan ee nabadgelyada, dimuqraadiyada iyo soo dhawaynta martida ayaa waxaa soo gaadheyey boqolaal qaxoonti ah oo naftooda kala soo cararay xoogaga maatada dushooda ku hirdamayey

Hadaba, Somaliland iyadoo qiimaynaysa xidhiidhka diimeed, dhaqan iyo jaarnimo ayey ogolaasho magan-geliyo qaxootinimo siisay dalalka ay jaarka yihiin ee Yemen iyo Somaalia isla markaana hoy ay ku hurdo caafimaad ku ladaan u fidisay shacabka geeska ee ay dalalkooda ragaadiyeen dagaaladu.

Waxaa xusid mudan in uu jiray go’aan hakin iyo hubin ahaa oo ay qaxoontiga kasoo saareen hay’adaha nabadgelyada ee Dawlada Somaliland, waxaanu ku salaysnaa werwerka laga qabay Nabadgelyada qaranka iyo nolosha dadka qaxoontiga ah, oo uu is fahmi-waa soo kala dhexmaray hay’adihii qaabilsanaa qaxoontiga Alxmaduilah hadana si habsami leh u socoto qaabilaada iyo taakulaynta Shacabka kala duwan ee kasoo jeeda dalalka aynu jaarka nahay

Waxaan cod dheer ku beeninayaa war ku soo baxay Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews oo sheegaya in bog Twitter ah oo aan leeyahay waa sida hadalka loo dhigee ay ku daabacnayd in “xukuumadu celin doonto Qaxootida kasoo bara kacay dagaalada ka socda dalka Yemen”

Waxaan leeyahay sidii aan horayba u shaaciyey ciwaanada aan uugu talo galay in aan bulshada ku wada wada xidhiidhno waa kuwan hoos ku xusan:

Web: www.guusha.com

Page: https://www.facebook.com/ministerhersi

Twitter: https://twitter.com/ministerhersi

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...