Somaliland: Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Somaliland Oo La Shaaciyay Wakhtiga La Galayo iyo Tirada Ardayda U Fadhiisanaysa

Date:

Masuuliyiinta Wasaaradda waxbarashada Somaliland ayaa shaaciyay xilliga rasmiga ah ee dalka laga qabanayo Imtixaanka Shahaadiga ah ee fasallada 8-aad iyo 4-aad. Wasiirka waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole oo uu weheliyo Gudoomiyaha imtixaanaadka qaranka Daa’uud-gadhweyne, ayaa ku dhawaaqay xilliga rasmiga ah ee Imtixaanka.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aad iyo 4-aad uu wadankoo dhan ka bilaami doono 7-da bisha 6-aad oo ah maalin axad ah(Sunday-07-06-2015). Fasalka 8-aad waxaa u fadhiisanaya Afar iyo toban kun oo Arday(14000), halka fasalka 4-aad ee dugsiga sarena ay u fadhiisanayso sagaal kun iyo saddex boqol” ayuu yidhi Wasiir Geedoole.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ayaa guul u rajeeyay ardayda Imtixaanka u fadhiisanaysa “Ardayda Imtixaanka u fadhiisanaysa waxaan Illaahay uga rajaynayaa inay imitixaankaas ku guulaysan doonaan, inay dedaalaan, inay iska ilaaliyaan qishka. Waxaan macalimiinta, askarta iyo cid kasta oo imtixaankaas ilaalintiisa ku shaqo leh ku boorinayaa inay dadaal weyn muujiyaan, in nabad yalyada la dhawro oo aanu u soo jeedno” ayuu yidhi Wasiirku.

Gudoomiyaha Xafiiska imtixaanaadka qaranka Daa’uud-gadhweyne ayaa isna sheegay in hawsha Imtixaanku tahay mid culus oo hawsheeda leh “Maadaama aanu Imtixaanku siyaasad shaqo ku lahayn dadku aad ulama socdaan laakiin, waa hawl adag,waayo dalka oo dhan saacad bay ka wada bilaamaysaa, saacad bay ka soo wada xaroonaysaa, saacad baa la rabaa in xiisadda la wada galo oo laga wada baxo, ilaa haddana si qabow oo aan rabshad lahayn ayay hawshu noogu socotaa” ayuu yidhi Gudoomiye Daa’uud.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...