Somaliland: Cuqaasha Galbeedka Burco Oo Ku Dhawaaqay Go’aan Qaran-dumisnimo Oo Uu u Laqimay Cabdiraxmaan Cirro

Date:

Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda ee mudada loo kordhiyay, ayaa beeshiisa ku dhaliyay inay qabtaan shirar kala duwan oo ay ku iclaaminayaan inaanay Somaliland wax dawlad ahi ka jiraynin wixii ka dambeeya bisha June ee fooda innagu soo haysa. Arrintaasi oo ah fadeexadii ugu xumayd ee soo wajahda Guddoomiye Cirro.

Cabdiraxmaan Cirro waxa uu lacag badan ku bixiyay sidii Beeshiisu uga dhiidhiyi lahayd, ugana soo horjeedsan lahayd Go’aankii muddo kordhinta ee Golaha Guurtiddu u samaysay xukuumadda iyo Golaha Wakiiladda oo uu illaa imika ka mid yahay isla markaana aanu iska casilin.
Dhawaaqa ka soo yeedhay beeshiisa oo ah cida kaliya eek ku kaliyaysatay inay ka soo horjeedsato muddo kordhinta ayaa waxay xisbiga WADDANI u yeeshay sumad beeleed, taasi oo ah mid aan waafaqsanayn sharciga nidaamka axsaabta badan oo dhigaya in xisbiyadda qaranku noqdaan qaar ay ku wada jiraan beelaha reer Somaliland oo dhammi.

Guddida beesha galbeedka Burco iyo Cuqaasha beeshaasi ayaa shir jaraa’id oo ay habeen hore ku qabteen magaaladda Burco waxay ku sheegeen in dawladnimadda Somaliland burburi doonto, haddii aan laga noqon go’aanka Golaha Guurtidda. Waxa kale oo ay si milgaha ka baxsan u aflagaadeeyeen aqalka odayaasha Somaliland oo ay xaqireen kaalintiisa wax ku oolka ah, waxaanay ku eedeeyay Gole Burbur dalka u horseedaya.

Guddoomiyaha Guddida Tallo iyo Tawfiiq ee beesha Habar-yoonis Xasan Xuseen Faarax, ayaa sheegay in marka la gaadho 26-june ee sannadkan aanay dalka ka jiri doonin wax dawlad ahi, arrintaasi oo ah mid dambi qaran oo uu ka galay wadankiisa, isagoo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mawqifka reerkayagu ka taagan yahay khilaafaadka jiraa waxa weeye inaanu taageersan nahay wakhtigii ay komishanka doorashooyinku qabteen ee ahayd inay sannadka 1016-ka doorashooyinka Wakiiladda iyo madaxtooyadda dalka ka qaban doonaan. Qodobka labaad ee aanu halkan ka sheegaynaa in 26-ka June ee sannadkan marka la gaadho aanay dalka ka jirin dawlad sharci ahi, sababtuna waxa weeye xiligii la doortay ayaa mudadaas ku eg. Marka xilligaas la gaadhana nin waliba waxa uu doono inuu yeello ayay noqonaysaa, dalkuna wuu laabmayaa.”

Mid ka mid ah cuqaasha beesha xisbiga WADDANI ku abtirsado ayaa isaguna waxa uu si indho la’aan ah u cambaareeyay Golaha Guurtidda oo dastuurku awooda u siiyay inay dalka ka badbaadiyaan dawlad la’aan haddii ay doorashooyinku dib u dhac ku yimaado “Go’aanka Guurtidda waanu cambaareynaynaa, waanu ka soo horjeednaa, mana aha mid sharciyad ku salaysan ee waa mid Somaliland lagu burburinayo oo Guddoomiyaha Guurtidu horsed ka yahay. Waxaan leeyahay Guurtiddu Somaliland wax marxalad ah kamay soo saarine iyagaa (Guurtidda) marxalad kaga soo gudbay oo shaqo ay u tahay,iskana fadhiya meesha. Gole sharci ah maaha ee waa Gole murraad kale meesha u jooga,”ayuu ku tiraabay mid ka mid ah cuqaashii shirkaas jaraa’id ka hadlay.

Dhinaca kalena ilo looga qaateen ah ayaa DAWAN u xaqiijiyay in Guddoomiye Cirro uu sheegay in aanay Somaliland ka dambayn doonin, haddii aan laga noqonin go’aanka Golaha Guurtidda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...