SOMALIA: Madaxweynaha Turkiga oo ka degay Muqdisho xarigana ka jaray Terminalka Cusub ee Garoonka Aadan Cade + COD

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan iyo wefdi uu hogaaminaayo ayaa ka soo degay Garoonka Aadan Cade magaalada Muqdisho.

203138

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheikh, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid, Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Jawaari, Wasiiro, Xildhibaano iyo Diblomaasiyin ayaa kusoo dhoweeyay garoonka diyaaraddaha wafdiga madaxweyne Erdogan.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo si kooban hadal soo dhaweyn ah u jeediyey wafdiga Turkiga ayaa sheegay in uu ku soo dhaweynayo Erdogan wadankiisa Labaad ee Soomaaliya oo galay wajigii hormarka.

Sidoo kale Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay isna in uu aad ugu faraxsan yahay booqashada uu mar labaad ku yimaaday dalka Soomaaliya, Isagoo sheegay in uu u yimid sidii uu ufuri lahaa mashaariic uu Turkiga ka fuliyey Soomaaliya oo ugu horeeyo dhismaha Terminalka Cusub ee Garoonka Aadan Cade.

Intaa ka dib Madaxwene Erdogan waxa uu si rasmi ah xariga uga jaray dhismaha cusub ee Terminalka Garoonka Aadan Cade Airport Muqdisho oo maanta ka dib si rasmi ah loogu shaqaynayo.

Amniga Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana wadooyinka halbowlaha lagu daadiyey Ciidamo isku jira Boolis, Sirdoon iyo milateri oo Soomaali iyo ajnabi.

Madaxweyne Erdogan oo safarkiisa qaadan doonto hal maalin keliya ayaa booqan doona dhowr meelood oo caasimadda gaar ahaan goobaha ay ka socdaan mashaaricda Turkiga sida Isbitaalka Digfeer oo uu dib u dhisay.

Jimcihii lasoo dhaafay ayaa la filayay in uu booqdo Muqdisho balse waxaa safarkiisa uu dib u dhac ku yimid kadib Geeridii Boqorka Sacuudiga Abdallah, isagoo Boqortooyada Sacuudiga u aaday tacsi kana qaybgalay Janaasada Boqorka.

10351897_854273974615771_2446841663600523770_n

Comments

comments