Kenya: Al-Shabaab oo sheegtay in ay Kenya ka Dileen 20 Askeri

Date:

Uruka al-Shabaab ayaa sheegtey in ay dileen 20 askeri oo ka tirsan ciidanka Booliska Kenya,  weerarka ayaa ka dhacay tuulada Yumbis oo ka tirsan Gaarisa.

Weerarkan ayaa dhacay habeenimadi xalay,

 Dowladda Kenya ayaa xaqiijisey in afar gaari laga gubey hal askerina laga diley 4 kalena laga dhaawacay. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee dalka Kenya ayaa beenisey in 20 askeri looga diley weerarkaas gaadmada ah. Warbaahinta gudaha Kenya ayaa warar is-khilaafsan ka qoraya tirada guud ee laga diley ciidamada Kenya waxayse isku raacsan yihiin in weerarka looga itaal roonaadey ciidamada Kenya.

Ciidamada weerarka lagu qaadey ayaa ka soo baxay Xagardheer, waxaana ay ku raad joogeen ciidamada al-Shabaab oo maalmo ka hor dadka Yumbeys muxaadaro u jeediyey.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay arkeen ciidamo badan oo Kiinyaan ah oo habqan ah in ay arkeen. al-Shabaabka ku sugan gudaha Kenya ayaa masuuliyiin Kiinyaan ah sheegeen in ay yihiin ciidamo dhisan, qalabkooduna u dhan yahay halka ay ku sugan yihiina ay tahay  dhul hawd ah.

Al-shabaab ayaa sheeganaya in ay ciidamo ka badan 20 ay dileen, hub faro badana ka qabsadeen ciidamada Kenya.

Kooxdan al-Shabaab ka tirsan ayaa lagu sheegay in tiradoodu gaareyso 50 – 10o Askeri, waxaana ay u badan yihiin dad dhulka kala yaqaan oo loo badinayo in ay yihiin Soomaalida Gobolkaas degta, iyo muwaadiniin kale oo Kiinyaan ah.

Bilowgii bishii Abril 2015 ayaa koox ka tirsan al-Shabaab ku dileen gudaha Gaarisa 148 qof, oo ahaa ardey dhiganayey jamacadda Gaarisa.

Tan iyo markii Kenya gudaha u gashey Soomaaliya sanadkii 2011, waxaa al-Shabaab ay xoog saareen weerarada ay ka dhex fuliyaan gudaha Kenya waxaana la aaminsan yahay in ay dileen dad ka badan 500 oo qof.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...