Somaliland: Gudoomiye Cirro Oo Sheegay Inay Aqbaleen Dib U Dhaca Wada Hadalka Mucaaridka Iyo Xukuumada

Date:

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa shaaca ka qaaday inuu xisbigoodu ogol yahay dib u dhaca ku yimid wada hadalkii xukuumada iyo xisbiyada mucaaridka ah.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu sheegay inay dhinaca xukuumada ka filayaa inay xal keenaan.

Gudoomiye Cirro oo ka hadlaya wada hadalka u socda xukuumada iyo mucaaridka ayaa waxa uu yidhi “Waxaad ka war qabteen inuu socday wada hadal ah gogol madaxweynuhu fidiyey oo lagaga wada hadlayey khilaafkii ka dhashay go,aankii golaha guurtidu gaadhay ee ahaa mudo kordhinta aan laysla ogolayn, anaga oo aan wax shuruud ah ku xidhin waxaanu ogolaanay inaanu gogosha nimaadno, waxaanay bilaabantay 20-kii May, wax natiijo ah oo ka dhashay kulankaasi muujirin laakiin anaga oo eegayna danta somaliland badbaadinteeda iyo inuu heshiis dhaco waxaanu siinay fursad xukuumada iyo xisbiga Kulmiye, waxaanan isla qaadanay in la raadiyo xal siyaasiya oo ku saabsan sidii loo xalin lahaa khilaafkaas.”

Gudoomiye cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa tilmaamay inaanay ilaa hada jirin wax xal ah oo laysla gaadhay, waxaanu sheegay inaanay dhinaca xukuumada wali ka iman xalka laga sugayey waxaanu yidhhi “Sabtidii ayaanu isku soo noqonay wax xal ah kamuu iman dhinaca xukuumada iyo xisbiyada Kulmiye waxaanay u ekayd in maalintii gogosha la dhigayey inay gogosha laabeen sababta oo ah gogol ayey yidhaahdeen waanu dhignay waxaanay yidhaahdeen go,aanka khilaafka dhaliyey waa lama taabtaan, waxaanu ku kala tagnay inaanu maalin kale siino oo isniinta laysku soo noqdo hase yeeshee madaxweyne ku xigeenka oo dhex dhexaadinayey sadexda xisbiga Qaran oo hawlna ku jira waxa uu naga codsaday in maalin dheeraad ah la siiyo oo kulankii maanta dib loo dhigo barina la siiyo.”

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ogol yihiin dib u dhaca mar kale ku yimid wada hadalka,waxaanu sheegay inay dhinaca xukuumada ka filayaa inay xal keenaan,waxaanu mar kale yidhi “Markaanu ka doodnay dood dheer si dimuqraadi ah xisbiga Wadani iyo xisbiyada mucaaridka ahba waxaanu qaadanay anaga oo madaxweyne ku xigeenka ku xurmaynayna hawsha uu ku jiro uguna ducaynayna inuu natiijo keeno oo aanan wax badan ka filayn, waxaanu shacabka u cadaynaynaa inaanu sadexda fursadood ee aanu bixinay in xal la gaadho waxaanan is leenahay fursad afaraad ma jiri karto,waxaanad noogu ducaysaan inay xal la yimaadaan, gogoshiina waanu ku fadhinaa kamaanaan kicin, laakiin hadii xal iman waayo waxay ila tahay gogosha iyaga ayaa laalaabaya.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...