Somalia: Xildhibaano lagu weeraray Muqdisho

Date:

Dabley hubeysan ayaa goor dhawayd weerar ku qaaday gaari ay wateen labo xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, xilli ay marayeen waddada muhimka ah ee Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho.

Wararka horudhaca ah ayaa sheegaya in rag hubeysan ay gaari ku horgooyeen gaariga ay xildhibaanadu wateen dabadeedna rasaas ay ku fureen.

Weerarkaasi waxaa ku dhaawacmay Xildhibaan Yuusuf Maxamed Dirir, iyadoo xildhibaanka kale oo la yiraahdo Cabdala Boos Axmed uu ka badbaaday weerarkaasi.

Sidoo kale waxaa dhaawacmay darawalkii gaariga sida uu BBC-da u sheegay xildhibaan ka tirsan Baaralamanka Federaalka ee Soomaaliya.

Dhawaaca xildhibaanka iyo darawalka ayaa loo qaaday isbitalka Daarushifa ee isla magaalada Muqdisho.

Dhinaca kale weerar saaka ka dhacay degmada Wadajir ayaa sidan oo kale lagu dilay labo qof oo midkood uu u shaqaynayay dawladda federaalka iyadoo dableydii weerarka gaystay ay baxsadeen.

Wixii ka soo kordha warkan halkan ayaan idinkugu soo gudbin doonnaa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...