Syria: ISIS oo qabsatay magaalada Taariikhiga ah ee Palmyra

Date:

Kooxda xagjirka ah ee ISIS ayaa la wareegtay gacan ku heynta magaalada Qadiimka ah ee Palmyra oo ku taal waqooyi bari dalka Siiriya.

Magaalada Palmyra oo 200km dhanka waqooyi bari uga beegan caasimada Dimishiq ayaa lagu tilmaamaa magaalooyinka ugu taariikhda dheer Bariga Dhexe waxaana ku yaal daaro qadiima ah iyo goobo badan oo taariikhi ah.

Xoogaga ISIS iyo ciidamada Dowlada Bashar Al Assad ayaa magaalada ku dagaalamayey tan iyo axadii lasoo dhaafay, waxaana la sheegay in kooxda ISIS ay Arbacadii shalay si dhameystiran ulla wareegtay gacan ku heynta magaaladaasi.

Qaramada Midoobay oo baaq kasoo saartay dagaalka Palmyra ayaa ka walaacsan in kooxda ISIS ay burburiso xarumaha taariikhiga ah ee ku yaal magaaladaasi, kooxdaasi oo horey usoo burburiyey magaalooyinkii taariikhiga ahaa ee ku yiilay dalka Ciraaq.

ISIS ayaa la sheegay inay ka ganacsato qalabka qadiimka ah ee yaala magaalooyinka madxafka laga dhigay oo ay horey ugu faani jireen dalalka taariikhda dheer ee Ciraaq iyo Siiriya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...