Illaa Afartameeye Dal oo Ku Yaalla Caalamka Ayaa Laga Xusayaa Munaasibadda 18-ka May
Toos U Daawo
Waxa maanta Gobolladda iyo degmooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan looga dabaal-degayaa munaasibadda 24 guurrada ka soo wareegtay dib ula soo noqoshadii madax-banaaniadda Somaliland ee Burco lagaga dhawaaqay 18-kii Bishii May 1991-kii.
Somaliland waxay xoriyadeedii ka qaadatay mustacmarada Ingiriiska ka dib markii ay u halgamaysay muddo 83 sanno ahayd, waxaanay si buuxda Somaliland madax-banaanideedii uga qaatay Ingiriiska 26-kii June 1960-kii xiligaasi oo arlada Somaliland laga dhidbay calan Soomaalidu yeelato kii ugu horeeyay, hase yeeshee nasiib darro waxa xornimadaasi soof daran habowday afar maalmood ka dib markii ay Somaliland la midowday Soomaalidii koonfurta ee uu xukumi jiray Talyaanigu 1-dii Bishii July 1960-kii.
Midowgaa lagu hungoobay waxa niyadsamidii iyo midnimo jacaylkii shacbiga Somaliland u qabeen inay israacaan shantii Soomaaliyeed ay ka dhaxleen dib u dhac, dulmi joogto ah iyo xasuuq baahsan oo taliskii Siyaad barre u gaystay shacbiga Somaliland, isla markaanna ku burburiyay magaalooyinka waaweyn eedalka intooda badan.
Cadaadiskii, dhibtii iyo xasuuqii loo geysanayay shacbiga Somaliland waxa uu dhalay halgan qadhaadh oo shacbiga reer Somaliland ay u hureen inay mar labaad ku soo dhacsadaan qaranimadoodii ay kula midoobeen Soomaaliya, halgan dheer iyo kifaaxii shacbigu u soo muteen dib ula soo noqoshada madax-banaanidooda oo SNM hormuud u ahayd, waxa Alle ku guuleeyay inay mar labaad hantaan sannadkii 1991-kii oo markii ciidammadii SNM ay qabsadeen dalka ayay markiiba bilaabeen inay dib u heshiisiiyaan beelaha Somaliland oo iskugu jiray kuwo SNM taageeri jiray iyo kuwo ka soo horjeeday-ba. Dib u heshiisiin gunta laga soo tollay ka dib waxa beelaha Somaliland ay dib ula soo noqoshada madax-banaanida qaranimadooda kaga dhawaaqeen 18-kii may 1991-kii shirweynihii koowaad ee beelaha Somaliland oo lagu qabtay magaaladda Burco.
Somaliland oo maanta afar iyo labaatan jirsatay, waxay mudadaas qabsatay hawlo badan oo aan beesha caalamku ka taageerin oo ay ka mid ahaayeen dib u heshiisiintii beelaha, hubka dhigistii maleeshiyaadka iyo qaramayntoodii, dib u dhiskii ha’yadaha dawliga ah iyo dib u dhiskii dalka.
Waxa kale oo ay Somaliland mudadaas ay jirtay dhisatay dawladnimo dimuqraadi ah iyo nidaamka axsaabta badan oo dalka ka tis-qaaday,nidaamkan oo uu jideeyay dastuurka dalka ee 97% muwaadiniinta reer Somaliland ugu ceedeeyeen “HAA” madax-banaanida dalkooda.
Waxa dhawr iyo tobankii sannadood ee ugu dambeeyay Somaliland u hirgalay laba doorasho oo madaxweyne, labada doorasho oo goleyaasha deegaanka ah iyo doorashadii Golaha Wakiiladda, kuwaasi oo dhammaantood u dhacay hab dimuqraadi ah oo ay janteen kor-joogtadii ka socotay beesha caalamku.
Sannad guuradda 24-aad ee madax-banaanida Somaliland ayaa lagu wadaa in maanta laga xuso dhammaan goboladda dalka iyo illaa afartameeyo wadan oo ku kala yaalla daafaha caalamka, waxaana sannadkan halku-dhiga munaasibadda 18-ka may laga dhigay “Somaliland dalkayga doodi kama Taagna.”
Xiligan Somaliland waxay caalamka ka dhawraysaa inay ka hesho aqoonsi dublamaasiyadeed oo ay kaga mid noqoto qarramadda adduunka ee madaxa-banaan, waxase Somaliland qaran madax banaan u aqoonsaday laba gole deegaan oo ku yaalla dalka Ingiriiska,kuwaasi oo kala ah Sheffield iyo Carrdiff, waxaana dhawaaqoodu uu calaamad u yahay juhdiga ay xukuumadda iyo jaaliyadda Somaliland geliyeen inay caalamka dhegaha adag dhacsiiyaan qaranimadooda qiimaha adag ku joogta.