Somaliland: Xukumadda Oo Dacwad Ka Gudbinaysa Danjiraha Midawga Yurub U Qaabilsan Somalia + Eedaha Loo Haysto

Date:

Xukuumadda Somaliland ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la sheegay inay diyaarinayso dacwad ay u gudbinayso xarunta guud ee Midowga Yurub ee ku taala magaalada Brussels ee wadanka Biljamka, taas oo ka dhan ah safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Somaliya danjire Michele VervoneDurso.

Ma jiro war rasmi ah oo ay xukuumadu ku cadaysay gudbinta dacwadan, laakiin ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in xukuumaddu go’aamisay in dacwad ka dhan ah diblomaasigan dhallinyarada ah loo gudbiyo xarunta guud ee Midowga Yurub. Warku wuxuu sheegay inay xukuumadda Somaliland ku eedaysay ergaygan oo ay dhalashadiisu tahay Talyaani inuu farogelin ku sameeyay siyaasadda gudaha ee Somaliland islamarkaana uu xasarad ka dhex abuurayo gudaha wadanka Somaliland, ka dib safarkii uu dhawaan ku yimid Hargeysa ee uu sida kedis ah kula kulmay muddo kordhintii ay golaha guurtidu sameeyeen.

Warku wuxuu sheegay in qodobada kale ee ay xukuumadu cuskanayso uu ka mid yahay hadal la sheegay in safiirku ku yidhi xisbiga UCID oo ah sababta ay xisbiga Waddani ugala qayb qaadan waayeen mudaharaadkii uu ku diiday muddo kordhinta golaha guurtida. Qodobkadan ayaa la sheegay inay xukuumadda Somaliland ka dhigatay udub dhexaadka dacwadda ay ka gudbinayso safiirka. Mar uu Geeska Afrika isku dayay inuu xisbiga UCID wax ka weydiiyo jiritaanka hadalkan ayaanay noo suurtogelin.

Warku wuxuu intaas ku daray inay xukuumadda Somaliland ka dalbanayso Midowga Yurub in laga bedelo danjirahan  mar haddii sida ay ku doodayso uu dhex galay siyaasadda gudaha Somaliland. Laakiin waxaan la hubin sida uu Midowga Yurub uga jawaabi doono doodda xukuumadda Somaliland.

Xukuumadda Somaliland iyo ergayga Midowga Yurub ayaa si adag isugu maandhaafay muddo kordhinta ay golaha guurtidu sameeyeen oo uu si adag uga horyimid, isagoo kulamo uu la yeeshay Madaxweyne Siilaanyo kaga dalbaday inuu laalo muddo kordhinta golaha guurtida, taas oo uu Madaxweynuhuna ku gacan saydhay. Waxaana muuqata inuu bilaabmay dagaal diblomaasiyadeed oo ay wadamada Midowga Yurub iyo Maraykanku ku soo jiheeyeen Somaliland ka dib muddo kordhintaas golaha guurtida.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...