Masar: Maxamed Mursi oo lagu xukumay dil toogasho ah

Date:

Madaxweynihii dalka Masar ee afgambiga xilka looga tuuray ayaa maanta oo sabti ah maxkamad ku taalla dalkaas ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Maxamed Mursi ayaa lagu eedeeyay in uu masuul ka ahaa fal ay maxaabiis xabsi ku yaalla dalkaas ay uga baxsadeen kadib markii ay jebiyeen darbiga xabsiga.

Morsi ayaa horey maxkamada loo soo hortaagay iyadoo lagu eedeeyey danbiyo ay kamid yihiin xiisadihii ka dhacay dalkaasi Masar intuu xilka hayey oo ay ku jiraan abaabulid dil, musuq maasuq iyo ku tumasho dastuurka Masar.

Maxkamada ayaa horey ugu xukuntay 20-sano oo xarig ah kadib markii lagu soo oogay dacwad la xiriirta in uu amray in la xiro oo tacadi loo geysto dad mudaaharadayay xilligi uu xafiiska joogay.

Maxamed Mursi waxa uu ahaa Madaxweynihii u horeeyey ee shacabka Masar si xor ah u soo doortaan. Waxaana inqilaabey sanadkii 2013, Hoggaamiyihii Milteriga ee isagu magacaabey Cabdulfataax Sisi, kadib mudaaharaadyo is-dabajoog ah oo ciidamadu soo abaabuleen. Mursi ayaa Milteriga Masar dhigeen xabsi ay lee yihiin oo ku yalaa banaanka Qaahira.

Sanadkii 2014 waxaa Maxkamadda Masar ay dil ku xukuntey 1212 qof, waxaana kamid ahaa Hoggaamiyihii ururka Ikhwaanul Muslimiin Maxamed Baadiye.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...