Somaliland: Xildhibaanno Taageeray Muddo Kordhinta Xukuumadda Iyo Golaha Wakiiladda

Date:

Xubno ka mid ay mudanayaasha Golaha Wakiilada ee Xisbiga tallada haya ee KULMIYE, ayaa shir jaraa’id oo ay maanta ku qabteen Magaalada Hargeysa waxay ku sheegeen inay soo dhaweynayaan go’aanka ay Guurtidu muddo xilkeed ugu kordhisay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.

Xildhibaan Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa sheegay inay muddo kordhnta Golaha Guurtuda soo dhaweynayaan “Waxanu soo dhaweynaynaa Mmwqifka iyo go’aanka geesinimada leh ee Golaha Guurtidu ay maanta sameeyeen muddo-kordhin dalka iyo Ummadduba. Bulshada caalamka Somaliland 24 sanno ayaa xorriyadoodii ka oo wareegtay aanaan ka helin Ictiraaf iyo waxqabad aanay noqonin qaar wax noo yeedhiya oo doorasho aan xiligeeda, Xerarkeedii iyo qorshayaasheedii aan la diyaarin ay sanka nagaga tolaan, waxana aanu u aragnaa inaanay taageerayaal ahayn ee ay faro-geliyaan yihiin oo doonayaan inay arrimihii guddaha iyo go’aanadii uu qaadan lahaa Golaha Guurtidu soo farogeliyaaan.” Ayuu yidhi Xildhibaan Bukhaari

Xildhibaan Ibraahim Caraalle Ruush ayaa isna taageeray go’aankaasi Guurtida, waxaanu yidhi “Guddiga doorashooyinka qaranku waxay xaq u leeyihiin inay muddo qabtaan xilliga ay haystaan xili sharci ah oo ay muddo ku dhex qabtaan, marka aanay haysana cidda wakhtiga kordhinaysa ee wwoodda lihi waa Golaha Guurtida. Waxana uu kordhiyey muddadii ay isla qaateen Xisbiyad qaranka oo ay ku ku dareen 4 bilood.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...