Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay in Xisbi ahaan aanay aqbali doonin muddo kordhinta Golaha Guurtidu maanta u samaysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Waxaanay Golaha Guurtida Somaliland u codeeyeen in doorashooyinka madaxtooyada iyo Golaha Wakiiladu ay dhacaan 27/4/2017 taasi oo ka dhigan in labada gole ee Xukuumada iyo Wakiilada loo Sameeyey mudo kordhin gaadhaysa sanad iyo Toban bilood ama 22 bilood,
Guddoomiye Cirro oo maanta warbaahinta la hadlay ka dib go’aankii muddo kordhinta ahaa ee Guurtudu gaadhay waxa kale oo uu sheegay in xalku ku jiro in Madaxweynuhu daadafeeyo go’aanka Guurtida oo dib loogu noqdo kii ay hore u soo saareen Komishanka doorashooyinku.
“Go’aankaasi waa mid aanu Xisbiga WADDANI aqbali karrin. Waxaanu qabnaa in lagu noqdo 1-da June 2016-ka si doorasho wakhtigaas loo qabto. Waxay ila tahay Xalka furan ee Go’aanka guurtidu waxa weeye in Madaxweynaha Somaliland ka shaqeeyo sidii loogu noqon lahaa go’aankii Komishanka ee ahaa 1-da June 2015-ka, Beesha caalamkuna ay gacan buuxda nagu siiso si go’aankaas loogu noqdo” ayuu yidhi Mr Cabdiraxmaan Cirro