SIYAASI! 18 May Baan Xusayaa Ee Dhimashayda Xil Ha Ku Raadsan.

Date:

Waxa fooda inagu soo haysa maalintii qaranka Somaliland ee farxada iyo damaashaadka u dabaal daga maalinta ku suntan

Tan iyo markii aynu qaadanay nidaamka xisbiyada badan, waxa shacabka Somaliland la kulmayeen dhibaatooyin badan.   siiba marka  doorashooyin soo  dhawaadaan. Xisbiyada mucaaradka ah waxay dadka ugu baaqaan inay mudaharaadaan.

Mudaharaad salmi ah waa xuquuq  muwaadinku leeyahay, haddii u raaco sifaha iyo bisaylnimada looga baahan yahay ee aynu ka aragno wadamada hore maray. Laakiin su’aashu waxa weeye intee baynu ka bisilnahay qabyaadala iyo mudaharaad  tuugto iyo qaswadaayashu ku soo dhex dhuuntaan. Maanta dhowr qodob buu eegayaa mudaadinka dhabta ah ee dalka iyo dadka u naxayaa.

Waxa fooda inagu soo haysa maalintii qaranka Somaliland ee  farxada iyo damaashaadka u dabaal daga maalinta ku suntan xuska maalinta qaranimada ee 18 May.

Oo loo baahan yahay inaan dadka  iyo xukuumada diyaar garowga ku jira inaan la khalkhal gelin. Waayo waxay ila muuqataa in dad neceb qaranimada Somaliland dabada ka riixayaan oo doonayaan maalinta 18 may in laga dhigo maalinta rabshada iyo mudaharaadka, sida ay sameeyaan qayb ka Ururka khaatumo oo  ay ku sheegaan maalinta xashiish xaadhka. Markaa WADDANI miyuu la qabaa arrinkaa?

Shacabka Somaliland way ka bislaadeen in kolba nin kursi ku fuulo, waxay ka xun yihiin mudaraadadii hore ee waqtigii UDUB dadku inaga dhinteen ee kulmiye soo abaabulay.

Xisbiga WADANNI haddii dhab uu ka yahay mudaharaadku ciyaalkooda ay dibada wada gaysteen ha kasoo qayb-galeen. Masuuliyiinta xisbiga waddani sidii Madaxweyne Siilaanyo dadka ha hor socdeen oo xabada ha isku dhigaan. Laakiin anagi  guryaha ayaanu seexanaynaa idinkana caruurtiina soo dira dhagax ha tuuraan oo ha la laayo-  filinkaa hore baanu u daawanay oo kaa yeeli maayo oo sidaad u jeceshahay kuwaaga ayaan aniguna Aaabo iyo hooyo u nahay.

Waxaan ku talin lahaa in aynu barano danteena oo aynu ka il-baxno kolba ninka kursiga igu fuulaya. Maalinba nin baa shaadh inoo soo xidhanaya ,  oo kuwii kulmiye ee fashilmay maanta shaad cas bay sitaan oo Waddani bay sheeganayaan berrina mid madow bay soo xidhan doonaan.

Mire Maxamed Xuseen  (Aspirin)

xabash99@gmail.com

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...