Waa shirkadda xawaaladda lacagaha ee ugu balaadhan Afrika, waxaanay xarumo ama xafiisyo ku leedahay 126 wadan oo caalamka ah, waxaanay muddo ka badan 40 sanadood ka shaqaynaysay hawlaha xawilaadda lacagaha.
Bulshadda qaybaheedda kala duwan ayaa ku bogaadisay Dahabshiil sida hagar la’aanta ah ee uga shaqayso kobcinta dhaqaalaha dalka iyo adeegyadda bulshadda, iyadoo sidoo kale dadka ganacsatadda ah ka taageerta dhinaca kor u qaadista iyo kobcinta ganacsiga, waxaanay bulshadu u aqoonsan tahay Dahabshiil in ay tahay shirkad kaalin muuqata kaga jirta dhinacyadda kala duwan ee noloshoodda.
Shirkadda wadaniga ah ee Dahabshiil Group, waxay door muhiim ah kaga jirtaa dhinacyadda kala duwan ee horumarinta bulshadda iyo dalka, waxaanay si weyn uga dhex-muuqataa meel kasta oo ka mid ah dalka oo u baahan taageero.
Cabdirashiid Maxamed Siciid, waa maamulaha guud ee shirkadda Dahabshiil Group, waxaanu faahfaahin ka bixiyay sida ay uga qaybqaataan arrimaha bulshada, waxaannu yidhi, “Annagu shirkad ahaan mar walba wixii ummadda wax u taraya, annaga ayaa xil gaar ah iska saarna in aannu ka qaybqaadano wax allaale iyo wixii aannu ka qaybqaadan karno, dhammaan dhulka dadka Soomaalida ahi degan yihiin, annaga oo aan gobol gobol u eegayn, annaga oo aan dan gaar ah ka lahayn in cid allaale cidii aannu wax la qaban karayno baahida jirta waddooyin ha noqoto, cusbitaallo ha noqoto ama xagga tacliinta ha noqoto iyo wax allaale iyo wixii kale ee dan guud ah”.
Dahabshiil kuma koobna oo keliya dhinaca xawilaadda lacagaha oo ay si weyn uga shaqayso, isla markaana ay dadka Soomaalida ah kala soo dabaalatay marxalad adag xiliyadii burbburka oo ay ahayd meesha keliya ee dadka qurbaha ku nool ay dadka eheladoodda ah lacagaha u soo marsiin jireen marka ay wax u soo dirayaan.hase yeeshee waxaa jirta in ay ka shaqayso horumarinta iyo tayaynta waxbarashadda sida jaamacadaha dalka oo ay gacan ka geysato kana caawiso hadba wixii ay u baahan yihiin sida balaadhinta dhismeyaasha, laybareeriyadda, buugaagta iyo meelo kale.
Waxaanay ka qayb qaadataa dhismaha wadooyinka kala duwan ee dalka ka socda, iyadoo gobol kasta oo ay waddo ka socoto kaga qayb qaadata taageero dhaqaale iyo mid qalabka ahba, Sidoo kale shirkadda wadaniga ah ee Dahabshiil waxay door muhiim ah ka qaadataa caawinta dadka danyarta ah, iyadoo marar kala duwan Guryo u dhistay qoysas gaadhaya dhawr boqol, kuwaasi oo ka mid ah qoysaska danyarta ah eek u nool magaalooyinka dalka.
Sidoo kale shirkadda Dahabshiil waxay kaalin weyn ku leedahay dhinaca kor u qaadidda bilicda magaalooyinka dalka, sababta oo ah waxay dhismeyaal casri ah aadna u dhaadheer ka hirgelisay magaalooyinka Somaliland gaar ahana caasimadda Hargaysa, oo ay ku leedahay fooqyadda ugu dhaadheer uguna casrisan.
Dhinaca kale Dahabshiil, Waxay astaan lagu garto oo heer caalami ah u tahay dawladnimadda Somaliland, maxaa yeelay madaxda sare ee shirkadaasi ayaa marka ay ka qayb galaan shirarka caalamka waxay wufuuda u sheegaan in xaruntoodda guud ay tahay Somaliland, isla markaana ay shirkadoodu tahay mid ay leeyihiin muwaaniniin u dhashay Somaliland, iyadoo marka ay wararka ka qoraan warbaahinta caalamka sida wakaaladaha wararka, telefishanadda iyo wargeysyadda caalamiag ah ay u sheegaan in Somaliland uu yahay dal madax-banaan.
Dhismaha Wadooyinka Dalka iyo Doorka ay Dahabshiil Ka Qaadato:
Meelaha kale ee ay sida weyn uga dhex-muuqato shirkadda Dahabshiil waxaa ka mid ah dhismaha wadooyinka kala duwan ee goboladda iyo degmooyinka dalka ka socda, kuwaasi oo ay ka mid tahay Dhismaha Wadada dhexmarta magaaladda Buuhoodle oo mudooyinkii u danbeyey dhismeheedu socday oo ay shirkadda Dahabshiil ugu deeqday lacag dhan $20 kun oo dollar, taasi oo ay si rasmi ah ugu wareejiyey Gudiga dhisaya Wadada.
Wadooyinka kale ee ay Dahabshiil taageeradda dhaqaale kaga qayb qaadatay waxaa ka mid ah dhismaha Wadada Isku Xidha Allaybaday iyo Arabsiyo, oo ugu deeqday qadar lacageed oo dhan $25000, iyo sidoo kale dhismaha wadadda Dawga-cad ee woqooyiga Hargaysa oo ay Dahabshiil ku caawisay lacag dhan $25,000.
Dhamaanba wadooyinka kala duwan ee dhismahoodu ka socda guud ahaanba goboladda iyo degmooyinka dalka ayaa shirkadda Dahabshiil waxay ka geysatay taageero dhaqaale, iyadoo lacago ugu deeqday wadooyinkaasi. Sida jidka isku xidha Oodweyne iyo Burco, wadadda Baligubadle, dhismaha jidka ugu dheer wadooyinka socda ee Ceerigaabo iyo Burco iyo kuwo kaleba.
Maamulaha Guud ee Shirkadaha Dahabshiil Group Cabdirashiid Maxamed Siciid oo ka waramaya doorka ay shirkad ahaan ka qaataan dhismaha wadooyinka dalka, waxa uu yidhi “Waddooyinka iyo Biriijyadu waxay ka mid yihiin waxyaabaha dawladaha iyo haya’adaha caalamiga ah laga sugo, laakiin runtii marka dadkeenu xil isa saaraan ee ay wax iska ururiyaan inay wax qabsan karaan, kollay waa khasab oo waa loo baahan yahay mucaawano dibadeed, iminka inagu taageeradaa ma hayno, haddana wax waliba waxay ka bilaabmaan dad halkaa degan ama danta guud cidda ka shaqaynaysa oo sida odayaashaa is xilqaamay dadaalka ay sameeyeen waa wax inoo yaal innagana in aynu halkaa ka sii wadno, weliba haddii dadka dibadda iyo kuwa guduhu iskaashadaan waxaan qabaa in wadadaana la dhammaystiri karayo kuwa kale oo badana la dhisi karayo”.
Si kastaba ha ahaatee Dahabshiil ayaa bulshadda reer Somaliland waxay si weyn ugu ammaanaan kaalinta ay kaga jirto horumarka iyo u gargaarida bulshada.
“Shirkada Dahabshiil in badan ayey horumarka dalka wax badan ka qaadatay oo ay la garab-taagan tahay mar kasta wixii ay awoodo meel kasta oo ay baahiyi taalo.
Annaguna Dahabshiil Group waanu sugaynay oo akoon gooniya ayaanu u sii furanay haddii ay na soo gaadhsiiyeen wixii ay noogu dhiibayeen Dawga-cadna waxaannu leenahay Ilaahay ajar iyo xasanaad ha idinka siiyo, annaguna aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqaynaa taa ay dalka ka gaysato iyo tan ay dawga-cad ku taakulaysayba” sidaasi waxa yidhi Suldaan Maxamuud Siciid oo ka mid ah madax-dhaqameedka Somaliland mar uu hadal ka jeediyay munaasibad ay shirkadda Dahabshiil lacag ku wareejinaysay gudidda dhismaha Dawga-cad.
Taageeridda Dhinaca Waxbarashadda:
Lama soo koobi karo taageeradda iyo horumarinta balaadhan ee ay shirkadda Dahabshiil kaga qayb qaadato dalka, hase yeeshee bal aynu soo qaadano dhinaca waxbarashadda, kuwaasi oo ay ka mid tahay Jaamacada Bariga Afirka faraceeda Buuhoodle oo ay shirkada Dahabshiil ku ugu deeqday lacag dhan $2 kun oo dollar, iyadoo sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkadu sanad walba la siin doono lacag lagu taageerayo Jaamacadaasi.
Sidoo kale Shirkadaha Wadaniga ah ee Dahabshiil Group ayaa waxay mar qudha samaysay mashaariic ay ku horumarinayso jaamacadaha dalka, kaas oo lagu furay dhagax-dhigga afar jaamacadood oo ku kala yaal afarta gobol ee Maroodi-jeex, Saaxil, Togdheer iyo Sool.
Mashaariicdan oo shirkadaha Dahabshiil Group ugu talogashay inay ku horumariso toddoba jaamacadood oo laga fuliyo hawlo isugu jira dhismayaal fasallo waxbarasho, laybareeriyo ama maktabadaha wax lagu akhristo iyo cusboonaysiin,
Khaddar Cabdi Muuse