Kenya: Xogheyaha arrimaha dibadda Mareykanka oo booqanaya Kenya

Date:

Xogheyaha arrimaha dibadda ee Mareykanka John Kerry ayaa la filaaya in maanta oo axad ah uu gaaro magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Booqashadiisa ayaa la filaaya in ay qaadato saddex maalmood, waxaana uu masuuliyinta sare ee dalka Kenya kala hadli doona labo qodob oo kala ah:

  •  Iskaashiga dhinaca amaanka
  • Safarka Madaxweyne Obama uu ku imaanaya Kenya bisha July

Diblomaasi sare oo kamid ah wefdiga Wasiirka ayaa saxaafadda u sheegay in ay si aad ah uga wada hadli doonaan arrimaha la dagaalanka kooxaha argagixiisada iyadoo dalka Kenya ay ka dhaceen weeraro ay geysteen Ururka al-Shabaab.

Sidoo kale John Kerry ayaa kulan la qaadan doona Xisbiyada Mucaaradka ee Kenya, iyadoo Dowladda Uhuru Kenyatta lagu eedeeyay in ay tacadiyo ka dhan xuquuqda aadanaha iyo xorriyadda geysteen.

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa la filaaya in uu Kenya imaado bisha July iyadoo bishii lasoo dhaafay Mareykanka uu ka digay in loo safro Kenya sababo amaan awgeed.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...