Somaliland: “Muddo-kordhinta Waxay Dani Ugu Jirtaa Xisbiyadda Mucaaridka Oo Kala Daadsan” Xildhibaan Cartan

Date:

Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf Cartan,oo ka mid ah Mudaneyaasha Goaha Wakiiladda, ayaa sheegay In xisbiyadda mucaaridka ah ee Somaliland aanay lahayn awood dhaqaalle oo ay xiligan ku galaan doorashooyinka Wakiiladda iyo madaxtooyadda ee lagu wado inay Somaliland ka qabsoomaan badhtamaha sannadka fooda innagu soo haya ee 2016.

Xildhibaan Cartan oo shalay u waramayay wargeyska Dawan, waxa kale oo uu sheegay in Somaliland danaynayso sidii ay wax ula qabsan lahayd beesha caalamka, isla markaana aanay cidina la maamuli Karin xukuumadda iyo waaxyaha qaranku ka kooban yahay. “Beesha caalamku haddii ay soo qaataan ku tidhi ku teenkii mucaaridka, iyagoo aan iska hubsan la yimaadaan, waa ayaan darro, waxa loo baahan yahay inta aanay odhan xukuumadda ayaa muddo kordhin rabta xaqiiqda inay ogaadaan ayaa loo baahan yahay,” ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Cartan.

Waxa uu tilmaaamy in Madaxweyne Siilaanyo cadeeyay mawqifkiisa ku saabsan doorashooyinka, waxaannu yidhi “Madaxweynuhu wuu cadeeyay mawqifkiisa ku saabsan doorashooyinka laakiin haddii farsamo ahaan ay dhici waayaan doorashooyinku dabadeedna mucaaridku yidhaahdaan xukuumadda iyo xisbigeedii ayaa muddo kordhin samaysanaya markaa arrinkaasi waa been, xukuumaddana way ka go’an tahay in doorashooyinka la qabto sida Madaxweynuhu sheegay.”

Xildhibaan C/Raxmaan Cartan waxa uu sheegay in muddo kordhintu dani ugu jirto mucaaridka oo kala daadsan, waxaannu yidhi “Cida muddo kordhintu dan u tahay waa xisbiyadda mucaaradka oo aan diyaar u ahayn doorasho uma abaabulna lacagna ma haystaan, shirarkoodii may qabsan xukuumaduna lacagtii doorashooyinka kaga aadanayd way bixisay oo miisaaniyadda ayay ku dartay lacagta maqani waa tan qaadhaan-bixiyeyaasha innaga taageera doorashooyinka haddii Komishanku imikadaa doorasho qaban karayo, xukuumadu way ku guulaysanaysaa doorashadaa.

In la is ixtiraamo ayaa wanaagsan Somaliland dalkeeda iyadaa xukunta oo cid kasta uga laxojeclo badan waa in lagaga dambeeyo annagu ma odhan karno dawladaha adduunka, waxaas sameeya, waxanna ha samaynina, beesha caalamka aad ayaan u danaynaynaa iyo wax wada qabsigoodaba.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...