Somaliland: Marwadda Qaranka, Iyo Abaal Marintii Xubnihi Ugu Sarreeyay Bandhig Hibeedkii Somaliland

Date:

Marwada Kowaad ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo Abaal-marinno Guddoonsiiyey Xubno ku Guulaystay Barmaamijka Bandhig-hibeedka Tv-ga Qaranka Somaliland oo noqday Barmaamijka koowaad ee ugu saamaynta badan Barmaamijyada ka baxa Tv-ga Qaranka.

Noocyada abaalmarinno la siiyey shan dhallinyaro ah oo kaalmaha hore ku galay hibooyin ay soo bandhigeen iyo gabadh aad u da’a yar oo kaalinta koowaad ka gashay
11164840_761892597257929_8319593377151281150_nXaflad loo sameeyey gunnaanadka iyo bixinta abaalmarinta Barmaamijka Bandhig-hibeedka Tv-ga Qaranka oo lagu qabtay hoolka casriga ah ee Summer Time Green Plaza ee magaalada Hargeysa habeenimadii Sabtidu soo gelaysay, ayaa waxa ka qaybgalay Marwada Koowaad ee Madaxweynaha, Wasiirka Warfaafinta,Cukuse, Wasiirku xigeenka Warfaafinta, Maareeyaha Tv-ga Qaranka iyo madaxda kale oo badan.guddi aqoonyahan, waxgarad iyo xirfadlayaal reer Somaliland ah oo ka garsoorayey tartanka barmaamijkan oo ay ka qaybgaleen boqolaal qof oo dhallinyaro u badan oo ka socday gobolada dalka iyo dad kale oo lagu martiqaaday bandhiga.
waxa halkaasi abaalmarinno qaali ah oo isugu jira qalab kala duwan iyo lacag lagu guddoonsiiyey shan xubnood oo kaalmihii ugu sarreeyey ka galay bandhig-hibeedka ay soo bandhigeen oo isugu jiray dhinacyada fanka iyo majaajilada.Maareeyaha Telefishanka Qaranka Somaliland Md. Khadar Xasan Cali Gaas oo hadal ka jeediyey xafladdaasi, ayaa ka warramay heerarkii iyo marxaladihii uu soo maray barmaamijkan Bandhig-hibeedka Somaliland oo ujeeddada ay ka lahaayeen ahayd si loo ogaado muhibooyinka kala duwan ee dadkeenna ku jira iyo inay helaan meel ay ku soo bandhigaan, isla markaana ay si wayn ugu faraxsan yihiin inuu hirgalay barmaamijkaasi oo uu si fiicanna ku dhammaado.Maareeye Khadar waxa uu ammaanay shanta xubood ee ku guulaystay kaalmaha hore oo uu xusay inay ka soo dhex baxeen boqolaal kale oo tartan adag kula galay barmaamijkan.11188376_761892347257954_4170746484920985030_n (1)

Waxa kaloo uu u mahadceliyey guddigii garsoorka tartankan oo muujiyey dadaal iyo dhabar-adayg badan, dhammaan madaxda iyo shaqaalaha kala duwan ee ka qaybqaatay hirgelinta barmaamijkan iyo cid kastoo kaalin ku lahayd.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Marwo Shukri Xariir Ismaaciil, ayaa sheegtay in barmaamijka Bandhig-hibeedku uu muhiimad wayn u leeyahay shacabka Somaliland, iyadoo u mahadcelisay cid kastoo ka qaybqaatay hirgelintiisa, gaar ahaan guddigii dhexdhexaadinta iyo dadkii kala duwanaa ee ka qaybgalay ee soo bandhigay hibooyinka sida gaarka u siiyey. Waxaanay dhallinyarada dalka ka codsatay inay muujiyaan oo dalkooda uga faa’iideeyaan muhibooyinka Alle ku mannaystay oo aanay tahriibin.

10678666_761892410591281_7559614946035925922_nWasiirka Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka Somaliland Md. Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa sheegay in barmaamijkan iyo kuwa kale ee ay baahiso warbaahinta dawladdu ay ka mid yihiin waajibaadka ay u hayaan Qaranka, waxaannu yidhi, “Barnaamijkan iyo kuwa tirada badan ee iminka ka baxa Tv-ga Qaranka, Idaacadda Radio Hargeysa iyo warbaahinta kale ee dawladdu leedahay waxay dhammaan ka mid yihiin xilka iyo waajibaadka saaran Wasaaradda Warfaafinta iyo Dhaqanka, waxaannu aamminsanahay in barmaamijkan iyo kuwo kale oo tiro badan oo ay u baahan tahay ummaddu, dhallinyarada iyo dalkuba waxaannu u aragnaa in waajibkaasi aannu in badana gudanay in badana ay noo hadhsan tahay.”

Marwada koowaad ee Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-weris) oo gunnaanadkii khudbadaha xafladda soo xidhay, ayaa hambalyeysay madaxda kala duwan ee Wasaaradda Warfaafinta iyo dhallinyaradii faraha badnayd ee ka qaybgashay tartanka barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland.

Marwadu waxay ammaantay saamayntii uu yeeshay barmaamijkan ka bixi jiray telefishanka Qaranka, waxaanay tidhi, “Anigu runtii barnaamijkan Bandhig-hibeedka aad iyo aad ayaan u xiisayn jiray oo u daawan jiray oo inkastoo uu goor dambe soo geli jiray barmaamijku waan u soo jeedi jiray, Isha Allah marka uu dib u bilaabmo ayaa hore loo soo dhigi doonaa. Barnaamijkani wuu hirgalay oo wuu guulaystay oo ummadda reer Somaliland gudo iyo dibadba runtii way u riyaaqeen. Waxaan Wasaaradda Warfaafinta ka codsanayaa inay mustaqbalka ku soo darto barnaamijka waxyaabo badan kale oo xiiso geliya dadka.”

11174984_761892473924608_1957125726709774906_n“Waa wax aad loogu farxo in dhallinyaradeena reer Somaliland hibooyinkaa faraha badan ee Illaahay siiyey in lagu mashquuliyo,” ayey tidhi Marwo Aamina-weris.

Ugu dambayntii, Marwo Aamina-weris waxay halkaasi abaalmariyo ka kooban lacag, hadyado qalab kala duwani ku jiraan iyo billado qof qof ugu guddoonsiisay shanta xubnood ee ku soo baxay barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland, kuwaas oo kaalinta kowaad ay u gashay gabadhi.

Haddaba, magacyada shantaasi guulayste iyo noocyada abaalmarinaha ay kala mutaysteen waxay kala yihiin sidan;

1. Nawaal Cabdirashiid Cabdi oo kaalinta koowaad ka gashay Barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland, gaar ahaan qaybta heesaha, waxay ku guulaysatay qalab Kombiyuutar (Computer Laptop) ah, lacag dhan shan milyan oo shillinka Somaliland ah, hadyad isku qoofallan oo ay ku jiraan dhawr iyo toban shay oo cadarro, saacado iyo alaabo kale ka kooban iyo billad u gaar ah oo ah calaamadda barmaamijka Bandhig-hibeedka Somaliland.

2. Cabdiqani Maxamuud Cabdillaahi oo ku guulaystay dhinaca Majaajillada waxa uu helay abaalmarino ay ka mid yihiin kombiyuutar (Computer Laptop) ah iyo lacag dhan saddex Milyan oo shillinka Somaliland ah, hadyad alaabta kala duwani ku jirto iyo billad.

3. Saddaam Maxamuud Cali oo ku tartamayey qaybta heesaha waxa la siiyey abaalmarino ay ka mid yihiin telefoonka gacanta nooca loo yaqaan Smart-Phone-ka iyo lacag saddex Milyan oo shillinka Somaliland, hadyad alaab ah iyo billad.
4. Faysal Iid Maxamed oo ka socday dhanka heesaha waxa la guddoonsiiyey abaalmarinno kala ah hadyad alaab kala duwani ku jireen iyo billad.

5. Axmed Maxamed Axmed oo isna qaybta heesaha ahaa, waxa la siiyey hadyad alaab ah iyo billad

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...