Maxaa hor taagan in si ballaadhan loo baadho xasuuqii somaliland ka dhacay 1982-1991

Date:

Sida laga wada dheregsan yahay waxaa ka dhacay somaliland jariimado xasuuq ama gummaad baahsan sanadihii 1982 ilaa 1990 xasuuqaas oo ay ka danbaysey xukuumadii keligii taliyihii siyaad bare gumaadkaas oo saameeyey dhamaan shacabka somaliland oo ahaa mid aan loo kala aabo yeelin caruur iyo ciroole,

Laga soo bilaabo sanadihii 1969 iyo wixii ka danbeeyey way jireen gumaad qarsoon oo umadan lagu hayey khaas ahaan waxgaradkeedii oo waxna xabsiyada lagu gurayey waxna dilal qorshaysan lagu fuliyey taas oo marba marka ka danbaysa masiirkooda la baabi inayey si tartiib tariib ah,

Waxaa kale oo iyana aan mara la soo hadal qaadin hanti wuxuu lahaa qarankii 26 jun 1960 xoriyada ka qaatay maxmiyadii ingiriiska oo wax walba oo dawladi laa markaa lahaa isagoo isku duubana xoriyadaa iyo waxay lahaydba la dhaxal wareejiyey,

1991 .18.may waxa hambadii hadhay burco ay ku dhawaaqday inay xoriyadaa lixdankii luntay dib loo soo cesho beelihii somalilandna heshiis sidaa ku noqdeen dawladna ku dhisteen ilaa maantana ay u dhisan tahay alxamdulilaah,

hadaba xukuumadahaa waxaa horyaaley arimo badan oo culayskeeda leh oo ay ahayd inay fuliyaan sida dhisida kaabayaasha nolosha qaran buuxa oo wixii dawladi leedahayba leh,

Jariimadahaa dhacay oo ah waxaan mara ummadani iloobi karayn xukuumadii 1991 la dhisay ee uu madaxda ka ahaa AHN cabdiraaman axmed cali dhibatooyin faro badan oo dhic kasta leh ayaa hor yaaley awoodna sinaba umay lahayn inay xaliso arimo badan waayo waaxa laga soo bilaabayey meel 00 ah arimahaa xasuuqana marnaba suurta gal uma ahayn inay wax ka qabatay ama daba gasho waayo tii markaa taaley ayaa waxaas oo dhan ka cuslayd,

Waxaa xigtey xukuumadii AHN maxamed x ibraahim cigaal waxay iyaduna ku guulaysatey ama markaa awoodi karaysey inay nidaamkii dawladnimo dastuur aas aas samayso alxamdulilaah meel fiican ayayna keentay iyada lafteedana awood uma lahayn arimahaa xasuuqa ama hanti qarankani laha inay daba gasho ,

Waxaa inoo xigtey xukuumadii Md daahir rayaale kaahin waxay halkii ka amba qaaday haykalkaa dawladnimo isla mar ahaantaana waxay xoogaa horumara ka samaysay waxyaabo badan iyadoo dadka qaar ku doodayaan intaa in ka badan way qaban kari lahayd laakiin uma suuro gelin si ay doontaba ha noqotee laakiin doodo kale ayaa qabey in ay arimahaa xasuuqa ay dhaqaajin lahayd laakiin may suuro gelin ,

Xusbigii mucaaridka kulmiye oo keenay xukuumadan hada jirta taageero yaal badan oo uu laaha waxay isku qancin jireen in xukuumadaa daahir rayaale aanay arimahaa xasuuqa daacad ka ahayn marka lays xansanayana waxaa loo arkayey xukuumadaa daahir rayaale inay uba badnayd dad la soo shaqeeyey xukuumadaa siyaad bare oo mabay rabin arintaa in laga hadlo waa sida aragti badani qabtey oo labadii xisbi mucaarid iyo qurbajoog badane wuxuuna kulmiye mar walba ku doodi jirey inuu arinmtaa meel saari doono hadii uu talada wadanka ku guulaysto,

Waxaa la yidhi waraabe ayaa reer dul yimi goor habeena dabadeedna wuxuu maqlay qof dumara oo leh awrtii waxay ku dib jirtey radaybtii raydabtu malaha waa meel magaceed amna geed waraabihii wuu isasii daayey wuxuu wareegaba oo marba meeshii ku wareegaba waxba wuu waayey dabadeedan wuxuu yidhi ,

MA RAYDABTAAN RAYDABTII AHAYN MISE RIMAYGU KA SOO DHACDIIBAAN RUN SHEEGAYN waa sheeko wax looga jeeday dabcan ileen waraaabe ma hadlee hadaba ,

Waxaan maqlaa ama an TVyada ka daawada gudoomiyaha dabagalka xasuuqa iyo afar qof oo baadhaya xabaal wadareed sadex qof ku jiraan ama todoba qof ku jiraan weligay maan maqal amana arag xabaal wadareed intaa ka badan malahayga xabaal wadareedyada Anigaygani aan garanayo ayaa konton konton iyo boqollaalba garanaya ee cariga somaliland ku taal meelo kala duwan waxaanan qabaa boqolaal iga xogogaalsani inay jiraan oo inta aan garanayo toban laabkeed garanaya,

Miyay suuragal tal tahay in aynu nidhaahno waanala xasuuqay oo hadana aan ilaa maanta wax cad la hayan,

Miyay suurogal tahay in shaqsiyaadkii xasuuqaa geystey oo aynu maanta mid mid u ognahay meesha ay ku nool yihiin inaynaan wax daba gala ku samayn ama wax denbi ah ku soo oogin arini ma waxay inagaga kooban tahay cali samatar,

hadii maanta la tiriyo shaqsiyaadkuu gumaadkaa geystey Afrika, Yurub , Amerika , Asia xabad xabad ayaa loo garanayaa halkay joogaan xukuumadaheenu ma waxay garan kari la, yihiin liisteeya oo u gudbiya maxkamada caruusha ee tanzania ileen taasaa inaka ina khusaysee ma looyaro ayaa xukuumadauhu adduun u waayeen,

Taasi waxay ku dhaxalsiisay in Moorgan maanta inooga soo hanjabo kenya…. wadamada deeriska masaaliix baa inaga dhaxaysa dawlada aad shaqsi waxaa ku sifoobey aad dacwad uga gudbisaa kama aamusayso marka ay u liidato kaalaya sharcigaanu idiin hor keenaynaa ayay ina odhanaysaa,

Goob somaliland ka mida oo aan xabaalo boqolaal ah ku jirini ma jirto anigaygan waxaaan xasuustaa goobo aanu markaanu maydkii meel u weyney dhufays ama tarajay aanu ka buuxiney maxaa maanta keenay in afar afar xabaalod lays dul taago Islaantii gabadheeda ninka xooga weyni qabey ee waxba dhali weydey waxay tidhi ninkaasi wuuu hagranayaaye gabadhayda kama ilmo dhali waayin ,

kuwii dhibka ugu badani soo maray ee u soo taagnaa waa kuwa maanta dalka ka taliya oo uu madaxweynuhu hormoodka ka yahay ,,, in ay maanta ku yidhaahdaan kuwa xamar joogaa anakaa ku xukuna waad galabsatay,

Wabilaahi tawfiiq
By: Ali M Jama (cali dheere)
Oslo
Norwey
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...