US: Maraykanka oo si khaldan u dilay dad u afduubnaa Al Qacida!

Date:

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa raali gelin ka bixiyey duqeynta diyaaradahooda droneska oo si khaldan u dilay labo nin oo u kala dhashay Maraykanka iyo Talyaaniga oo ay afduub ku heysteen kooxda Al Qacida.

Duqeyntan oo dhacday bishii Janaayo ayaa la ogaaday in ay ku dhinteen labada nin oo kala ah Warren Weinstein oo u dhashay Maraykanka iyo Giovanni Lo Porto oo Talyaani ah.

 Labadan nin ayaa lagu hayey labo goobood oo kala duwan oo ku yaal xaduuda u dhaxeysa Afghanistaan iyo Pakistaan, goobahaasi oo xarumo u ahaa Al Qacida ayey duqeeyeen diyaaradaha Maraykanka, balse Obama ayaa sheegay inaysan la socon in dadkaasi lagu hayo goobaha duqeynta ka dhacday.

Obama ayaa tacsi u direy ehelada ay ka dhinteen dadkaasi, wuxuuna sheegay inay magdhaw arrintaasi ka bixin doonaan.

Ninka Maraykanka ah oo lagu magacaabo Warren Weinstein ayaa sanadkii 2011 laga afduubay magaalada Lahore ee dalka Pakistaan halka ninka Talyaaniga ah Giovanni Lo Porto oo u shaqeenayey hay’ad samafal laga afduubay sanadkii 2012 gobalka Khyber Pakhtunkhwa, Pakistaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...