ISKU SHAANDHAYNTII XALAY
Isku shaandhayntan wax aan ka sheego oo badan garan maayo oo wax iska yar shakhsiyaadka aan ka garanayo inta ay saamaysay isku shaandhayntu. Waxan si fiican u aqaan laba wasiir oo cusub oo kala ah Wasiirka Arimaha Gudaha oo loo agacaabay Yaasiin Faratoon iyo Wasiirka Duulista Iyo Hawada oo loo magacaabay Farxaan Aadan Haybe oo ah runtii laba shakhsi oo aan aqaan kuna kalsoonahay. Gaar ahaan Yaasiin waxan aqaanay tan iyo bilawgii sagaashaneeyada shaqona waxanu isugu nimi xiliyadii ugu adkaa ee Somaliland ay soo martay oo ahaa xiligii hub dhigista iyo dagaalada sokeeyaha. Farxaan Udub ayaanu si fiican isugu baranay. Waa ragga iiga tilmaaman da’ yarta ee leh hibooyinka hogaaminta isla markaana aadka u firfircoon daacaddana ah.
Taliyihii Ciidanka Qaranka Iyo Maareeyihii Dekedda Berbera iyaga waxa bedelay kuwii ay bedeleen. Afartaa xil ayaa inta aan garanayo saamaynta ugu yeelan kara isku shaandhayntan. Magacaabista Farxaan waxay meesha ka saartay Cali Warancade oo hadii uu diiday xilka cusub ee loo magacaabay laga yaabo in uu daaqadda ka baxo ama meelo kale xodxoto. Magacaabista Yaasiin waxay muhiim ku sii tahay waa markii ugu horaysay ee Madaxwayne Silanyo uu kuraasida ugu muhiimsan Golihiisa Wasiirada uu ku fadhiisiyo xubin aan ka soo jeedin beesha dhexe. Wasiirka Arimaha Guduhu waa xilka ugu culus xilalka Golaha Wasiirada in kasta oo aanay qasab ahayn in mar kasta uu noqdo ka ugu mudan.
Si kasta xaalku ha ahaado eh anigu isku shaandhayntan waxan Madaxwaynaha si gaar ah ugu hambalyaynayaa magacaabista xilka Waaiirka Arimaha Gudaha. Waayo wax kale oo aniga macno ii samaynayaa kuma jiraan