Maxay Isu Tarrixi Waayeen Kooxda Haysata Makarafoonka Xisbiga WADDANI?

Waxa Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, oo ah guri dambayska saddexda xisbi qaran ee Somaliland, ka soo daahiray astaamo xisbi beeleed ku calaamadinaya mustabalka WADDANI, ka dib markii koox siyaasiyiin ah oo isku beel kaliya ka soo jeedaa ay ka bixi waayeen shaashadaha TV-yadda , iyagoo inta badan hilmaama inay si anshax leh oo aan cunfi beerayn ay u dhaliilaan xukuumadda. Waxay si laf-jab ah ugu kaayaystaan inay dharaartii ALLE keenaba ay gambadhka ugu soo fadhiistaan Madaxweyne Siilaanyo oo ay xataa gaadhaan inay si shakhsi ah wax uga sheegaan cirdigiisa sharafta qoyskiisaba.

Xisbiga WADDANI waxa tobankii maalmood ee la soo dhaafay warbaahinta haystay xubno ay ka mid yihiin Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Jaamac (Xoog), Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud ee xukuumaddii UDUB Siciid Sulub iyo Wasiirkii hore ee Daakhiliga Maxamed Nuur Caraalle (Duur), kuwaasi oo aan midina xisbigaasi ka haynin wax xil ah hase yeeshee saddexduba ka mid ah Guddiga qarsoon ee la yidhaahdo Guddiga Musdambeedka ee go’aamisa dhaqdhaqaaq yadda maalinlaha ah iyo qorsheyaasha xisbigu ku hawl-galayo labadaba.
Waxa dadka siyaasadda faalleeyaa ay ku doodayeen in saddexdaas nin hadalkoodii xidhiidhka ahaa uu ahaa dhaqan cusub oo fool xumo ku ah hanaanka xisbiyadda badan, waxaanay dadka fikradan aaminsani ay daliishanayeen inay xisbiga WADDANI uu la soo baxay sumad lidi ku ah qorshihii loo samaystay xisbiyadda qaranka oo ah in qabyaallada laga magan galo.

Hadalladii saddexdaas siyaasi iskaga daba tageen waxay ka hadlayeen laba qoddob oo kala ahaa inay xukuumadda ku eedeeyaan masuuliyadda dib u dhaca doorashooyinka oo sababteeda wax laga saarayo Guddoomiyaha WADDANI ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo illaa maanta hor-taagan dhaqdhaqaaq kasta oo loogu diyaar garoobayo doorashooyinka madaxtooyadda Iyo Golaha Wakiiladda.
Waxa kale oo ay caaridayeen isla markaana ay dadweynaha si khaldan ugu majaro habaabinayeen inay yidhaahdaan xukuumadda ayaa dekadda Berbera iibinaysa, arrintaasi oo ah mid aanay waxba ka jirin, balse ay xukuumaddu doonayso inay maal-gelin caalamiya u hesho marsadda si ay u noqoto mid gobol oo ay adeegeeda xataa ka wada faa’iidaystaan dalalka Somaliland la deriska ahi.

Waxa jiray dad qabay in arrintan xisbiga WADDANI ku kaliftay inay siyaasiyiin beel kaliya ahi ay la wareegto makarafoonka iyo isteerinka xisbiga, inay tahay mid dani ku qabatay, maadaama oo siyaasiyiinta beelaha Somaliland ee xisbigaasi ku jiraa ay yihiin qaar aad u yar oo tiro lagu heli karo, taasina ay ka dhigtay in siyaasadda xisbigoodu noqoto hal ku dhigii ahaa “Nin qoyani biyo iskama dhawro.”

“Jid kale ayaan u furnayn-ba xisbiga WADDANI, Waayo beel qudha ayaad moodaa inuu u furan yahay. Taasina waxay sababtay inay dhawrkan qof midiba uu maalin burushka cayda leh u darro xukuumadda,”ayuu yidhi mid ka mid ah dadka taxliiliya siyaasadda dalka oo ka gaabsaday in la shaaciyo magaciisa.

Laakiin waxa ninkaasi uu tusaale u soo qaatay hadal uu Maalin Xisbiga WADDANI kula kaftamay Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, oo isagoo ka hadlayay furitaankii shirweynihii shanaad ee SOLJA laga guntay “Axsaabta qaar baad imika moodaa markay shir yar leeyihiin aad is odhaneysaa taloow ma inan (gabadh) ayey bixinayaan oo shirkoodii ayaad gabadh in loo geed fadhiisanayo moodaa oo wixii baa innaga noqday reer.”
Si kastaba arrintu ha noqotee waxa habboon in xisbigaasi dib u qaabayn ku sameeyo siyaasadiisa, maadaama oo aan dadweynaha Somaliland aanay liqi Karin inay xisbinimo u aqoonsadaan siyaasiyiin beelnimo isku keentay, waxa la gudboon inay hadalka badh uga tagaan dadka kale xisbiga kula jira haba tayo iyo tiro yaraadaane.

Xisbiga WADDANI waxa sumadan xun uga sii daran, ma laha wax barnaamij siyaasadeed ah oo ay illaa imika ummadda u soo bandhigeen oo ay doonayaan in lagu doorto, taasina waxay god kaga sii ridaysaa rajada ay ku hawaysanayaan inay noqdaan xisbi qaran oo hoggaanka dalka u baratama,iyadoo Guddoomiye Cirro uu indhaha ka qarsanayo murtidda heestan oo siyaasiga hanka leh si nasteex ah ugu boorinaysa inuu dhaqankiisa ka ilaaliyo facaa’il beelnimo.
“Ummaddii hurin-huriniyo, Noqota Habar-habar
Kolay Hibashiyo, Ma waydo Huqdee.
Qaranka Hadhsadoo, Haybadda ku gam’oo,
Quluubta hal qudha, Hoheey ka Noqdaay.
Waa kaa horumaray Dhulkii Hooyee,
Ninkii u Han Wayn Hoggaanka Dalkoow,
Hankaagu Ha Dhaafo Reer Hebel!!”

(Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laabsaalax)

XIGASHO:WARGEYSKA DAWAN

Comments

comments