Somaliland: Xukuumadda oo Joojisay In ZAAD Iyo eDahab Lagu Isticmaalo Dollar

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay in dollarkii laga joojiyay adeegyadda ZAAD iyo eDAHAB ee ay isticmaalaan shirkadaha TELESOM iyo DAHABSHIIL,waxaanay sheegtay inay adeega xawilaada lacagaha ee Telefoonka gacanta lagu isticmaali karo oo kaliya shilinka Somaliland.

Sidaasna waxa si wada jir ah daboolka uga qaaday Wasiirka Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe Mr. Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali, ka dib markii ay kulan kulan la isku af-gartay ay xarunta baanka ku yeesheen saraakiil ka kala socday shirkadaha TELESOM Iyo DAHABSHIIL, Ganacsatadda waaweyn ee dalka iyo sarifleyaasha lacagaha .

“Halkan waxa isugu yimi Baanka Dhexe, Wasaaradda Maaliyadda, Shirkadaha Telesom iyo Somtel iyo raggii ka shaqayn jiray sarrifleyaasha iyo Ganacsatadii waaweynaa intayadaas oo dhammina waxa aanu iskugu nimi inaaanu ka wada tashanno shirar maalmahan oo dhan noo socday oo lagaga hadlayey sidii loo dejin lahaa heerka sarrifka oo maalmahan aad u kacay,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Baanku.

Mudane Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxa la isku af-gartay in marka hore Zaad-ka iyo eDahab-ka oo ah laba hab oo ku shaqeeya Dollar-ka oo dadkii jeebka ku sitaan oo wax ku iibsadaan oo shilinkii Somaliland aad cidhiidhi u geliyey in la joojiyo dollarka oo laga dhigo shillin Somalilnad, waanuna isla waafaqnay, wakhtigii la bilaabi lahaana dib baanu ka soo sheegi doonaa.”
Wasirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa sheegtay in dhawaan adeegyadaas lagu bixin doono lacagta Somaliland, isla-markaana arrintaas heshiis lagu gaadhay, iyadoo loo arkay xal kor loogu qaadi karo qiimaha lacagta Somaliland oo hoos u dhacday, waxaanay tidhi “Inta dollarku meesha sare gaadhay shirar aanu soo wadnay, ayaa ay ka dhalatay oo la isla gartay in shilinka Somaliland uu noqdo ka wax lagu iibsado haddii ay dukaan tahay iyo haddii ay eDahab iyo Zaad tahay, waxaanu ummadeenna u sheegaynaa inay dollar-ka ilaawaan, dukaanka marka la galo odhanaya waa intaas oo dollar, waa inuu shilinka Somaliland sheegaa dadkuna ay lacagteenna gacanta ku sitaan, shirkayagani waxa uu astaan u yahay in lagu heshiiyey in Lacagta Somaliland la isticmaalo.”

Dhawaaqan shalay ka soo baxay Ha’yadaha maaliyadda Somaliland iyo Shirkadaha Madaxa Bannnaan ayaa ka dambeeyey Kor u kac qayrul macquul ah oo uu gaadhay sarifka Dollarku, taasi oo saamayn taban ku yeelatay isla markaana qiime tirtay lacagtii dalka. Iyadoo adeegyadda ZAAD-ka Iyo eDAHAB-ku ay kaalin fir-fircoon ku lahaayeen sicir bararka ku dhacay qiimaha sarifka dollarka oo qarka u saarnaa inuu Boqolka Dollar gaadho Sideed Boqol oo Kun oo Shilin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...