War Deg Deg ah: Xukuumada Somaliland oo Saaka Fulisay qisaasta 6 qof

Xukuumadda Somaliland ayaa saaka dil toogasho ah ku fulisay Lix Maxbuus kuwaas ooh ore u dilay dad kala duwan.

Ciidamadda kala duwan ee qaranka ayaa saaka dilalkan qisaasta ah ku fuliyey gacan ku dhiiglayaal kala duwan, waxaana dilka toogashada ah ee lagu fuliyey maxaabiistaasi uu ka dhacay degmadda Mandheera.

Xukuumadda ayaa beryahanba kala shaandhaynaysay maxaabiista u baahan in lagu fuliyo toogashada, waxaanay dadka la dilay ay ka soo kala jeedaan Goboladda Dalka oo dhan.

Waxa ka mid ah dadka Dilka lagu fuliyey Nin xaaskiisa ku dilay Burco, Nin Gabilay ku Dilay dhawr Qof, Nin Borama ku dilay Ilma yar iyo sidoo kale, Askarigii dhawaan Dilay Ganacsadihii Xoolaha ee la odhan jiray gacmo-dheere.

Raggan Dilalka lagu fuliyey ayay qaarkood xidhnaayeen ku dhawaad toban sanadood, iyagoo ahaa Dil suge.

Comments

comments