Wasiirka Wershadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse,ayaa daboolka ka qaaday maal-qabeenno reer Suudan ah oo dalka ka hir galinaya Wershad soo saarta saliidda oo dhawaan laga dhisi doono gobolka Gabilay.
Wasiirka Wershadaha Somaliland waxa kale oo uu ka warramay qorsheyaasha higsi ee Wasaaraddiisa iyo sida ay u soo dhawaynayaan cid kasta oo diyaar u ah in ay dalka maal-gashato tallona uga siinayaan qorshayaasha warshadaynta dalka waxaanu sidaa ku sheegaywaraysi gaar ah oo uu xafiiskiisa ku siiyay Wargeyska DAWAN.
Ugu horrayn Wasiirka Wershadaha oo ka jawaabayay su’aal nuxurkeedu ahaa qorsheyaashiisa wasaaradiisa mudnaanta u leh, waxaanu yidhi “ Higsigayagu waxaa weeyaan haddii la fahmo Wasaarad ahaan in aynu ka horumarno xagga Wershaddaha sababtoo ah maanta dunida waxaa la cuno oo dhammi waa wax wershadi soo saartay. Markaa waxaanu doonaynaa in aanu dalka u hoggaaminno sidii uu dhanka wax soo saarka iyo Wershadaha uga hore mari lahayn oo dalku uu u heli lahaa maal-gashi caalami ah iyo mid Waddani ahba.
Waxaanu doonaynaa in qorshaha hagista higsiga Wasaaradda aanu dejinno oo aanu samayno xeerkii Wasaaradda sababtoo ah Wasaaraddu xeer-ba may lahayn oo waxay ahayd waax Wasaarad kale ka soo go’day. Xeerkaasna waanu wadnaa oo waanu diyaarinaynaa waxaa kale oo aanu doonaynaa in la kobciyo tayo ahaan iyo bad-qabka waxyaabaha ay soo saarayaanba oo tababarro loo furo. Waxaa kale oo qorshe hawleedkayaga noogu jirta in aanu eegno oo la socono waxyaabaha ay imika Wershadaha dalka ka hawl galaa soo saaraan oo caafimaad ahaan loo derso iyo dhiiri galintoodaba oo wixii ay tallo u baahan yihiin la siiyo tababarrona ay helaan laguna dhiiri geliyo wax soo saarkooda iyo in suuq loo doono.markaa Wasaaradda imika ayaanu doonaynaa in aanu kicino oo ay noqoto Wasaaradaha laf dhabarka u ah wax soosaarka dalka higsigayaguna waxaa weeye in Wasaaraddu ay noqoto halka dalka laga quudiyo mustaqbalka.”
Wasiir Shucayb oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay in gobolka Gabilay iyo wershadan maal-gashiga ka samaynaysa, waxaanu yidhi “Waa run oo Gabilay muddo laba sanno iyo badh ah ayaan Maayar ka ahaa, waana deegaan wax soosaar oo dhanka beeraha ku wacan, laakiin imika anigu waxaan Wasiir u ahay Somaliland oo dhan wax ay Gabilay dalka intiisa kale kaga duwan tahayna ma jirto waxaanan dhiiri galinayaa in Somaliland oo dhan aan u hello maal-gashi warshadayn ah oo meel kastaaba waxay hodanka ku tahay in la maal gashado.
Imikana waxaa qorshaha iigu jirta in aan dalka oo dhan soo wada maro oo aan daraasad ku soo samayno deegaan walba waxa ay tahay in la horumariyo ee u baahan wershadaynta, waxaynu leenahay bad burro, beero iyo xoolo intuba waxay u baahan yihiin in loo doono maal qabeenno iyo shirkado danaynaya oo maal-gashada. markaa Gabilayna kuwaas uun bay ka mid tahay, imikana waxaanu liisankii siinay oo gobolka Gabilay wershad saliidda soo saarta ka hirgalinaya tijaar reer Suudan ah. Markaa qorshahayagu waxaa weeye in dalka la maal-gashado oo hanti badan lagu aamino waxaa kale oo aanu doonaynaa in aanu ka hor tagno in wershado hanti badan la galiyay in ay xidhmaan oo ay bur-buraan, taana waxaannu doonaynaa in aanu ka bad-baadino in ay dhacdo in qaar dambe xidhmaan isla markaana la darso sababaha ay kuwaa hore u xidhmeen.”
Wasiirka Wershadaha Somaliland Shucayn Maxamed Muuse waydiinay wershada saliidda soo saaraysa ee gobolka Gabilay laga hirgalinayo iyo nooca wax soo saarkeeda,waxaanu ku jawaabay. “Wershada waxaa leh oo hir galinaya maalqabeenno reer Sudan ah waa dal iyo dad aynu walaalo nahay oo muslim ah kana wada tirsanahay qaaradda Afrika, kana wada mid nahay Jaamacadda Carabta, markaa way noo yimaadeen liisankii iyo ruqsadiina waanu siinay waxaanay soo saari doonaan saliid ay ka wershadeeyeen waxa beeraheena ka baxa oo ay ka mid yihiin Galayda,Lawska iyo waxyaabo kale waxaanay noo sheegeen in ay soo saari doonaan saliid ka tayo iyo caafimaadba badan ta imika ganacsida inoogu timaadda oo saafi ah isla markaana waxay sheegeen in saliida ay soo saarayaan aanay marnaba fadhiisanayn haddii talaagad kasta lagu rido oo ay ku jirto ugu yaraan 12 saacadood.runtii waanan soo dhawaynaynaa maalqabeenadaa walaalaheen ah ee Wershada Saliida dalka kahir galinaya waana shaqo abuur iyo suuq wanaagsan oo u soo kordhay guud ahaan dalka iyo gaar ahaan dadka beeralaydaah ee aan haysan wershado aywax soosaarkooga ka iibiyaan.”
Wasiirka Wershadaha oo ka jawaabayay su’aal aanu ka waydiinay sida uu u arko marka wasaaraddooda laga hadlayo waxaa la yidhaahdaa shaqadii Wasaaradda waxaa haya ururka Warshadlayda,ayaa yidhi. “Ururka Wershaydlaydu waa urur habaysan oo ay aqoonyahanno muwaadiniin ahi ay aasaaseen iskuna xidhan, Wasaaraddana wada shaqayn wanaagsan ayaa ka dhaxaysa, laakiin wada shaqayntaa wanaagsan macnaheedu maaha inay Wasaaraddu iyaga (ururka Wershadlayda) daba soconayso ee waa in ay iyagu Wasaaradda ku daba faylaan oo ay Wasaaraddu shaqadooda ku tababartaa oo ay ka caawisaa dhanka aqoonta iyo horumarinta Wershadaha iyo kor u qaadista wax soosaarkooda, laakiin noqon mayso in ay Wasaaradda matelaan waanan dhiiri galinayaa aqoonyahanaada muwaadiniinta ah oo ah dad dalkooda ku aaminay hantidoodii oo u samray in ay bilaabaan Wershadayn Somaliland ka hir gasha.”
Wasiir Shucayb oo ka jawaabay su’aal ahayd in warshadaha xidhmaa ay ka dhashaan in warshado la nooc ah laga daba furo, waxa uu kaga jawaabay “Horta Wershad dalka ka furan oo mid kale oo la nooc ah aanu ruqsad siinaynaa ma jirto haddii ay hore u dhici jirtayna imika dhicimayso, waxaana naga go’an in aanu bad baadino oo aanu ilaalino in aanay dhicin Wershad malaayiin Dollar la galiyay in ay iska xidhanto sababtoo ah dhaqaalaha dalka ayay ka mid tahay hantida dalka lagu maal gashadaa haddii ay xidhantona waa hanti Qaran oo luntay, sidaa darteed waxaanu samaynaynaa in kuwa jirana lakobciyo kuwa imanayana la eego nooca Wershada la doonayo in dalka laga hir galiyo markaa haddii ay noqoto mid la mid ah kuwa hore dalka uga jiray waxaanu u sheegaynaa in aan taa loo baahnayn oo ay dalka ka jirto ee ay dhinac kale uga wareegaan oo ay soo kordhiyaan Wershadayn aan hore uga jirin dalka oo loo baahan yahay,waxaana dhacda imika oo aad innoogu badan haddii qofka dukaan furto oo la arko iyadoo aad wax looga iibsanayo agtiisa ayuun baa mid kale oo la mid laga furayaa laakiin waxay ahayd in ganacsiga loo meel dayo oo wax aan oolin oo baahi loo qabo la keenno halka la iskaga wada dayanayo taasina qayb ayay ka tahay wershado badan oo lacag aad u badan la galiyay oo albaabadu u xidhmeen, laakiin imika qorshe cad ayaanu ka yeelanaynaa.”