Somaliland:Markab Sida Qaxoonti Yemen Ka Yimid Oo Dekedda Berbera Ku Soo Xidhay

Date:

Markab laga leeyahay dalka Yemen oo sida Qaxoonti ka soo cararay Colaadaha Yemen muddada ka socday ayaa xalay goor dambe soo gaadhay Dekedda Berbera. Markabka ayaa sida 174 Qof oo iskugu jira Soomaali iyo Yemeniyiin.

Gudoomiyaha gobolka Saaxil, Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa BBC-da u sheegay in Qaxoontiga oo ay ku jiraan Caruur iyo haween ay Dekedda ku qaabileen Masuuliyiinta Heer gobol iyo kuwa degmada,Wasaaradda dib u dejinta iyo Saraakiil ka socda Hay’adda Qaxoontiga Aduunka UNHCR.

Badhasaabka ayaa sheegay in dadkaasi muddo maalmaha lagu nasin doono Berbera maadaama ay laba maalmood badda ku soo jireen kadibna qof walba halkii uu u socday uu tagi doono lana siin doono Sahay.

Waxaa hore Dekedda Berbera u soo gaadhay dad ka badan 70 Qof, waxaana Qaxoontiga Markabkani siday noqonayaa Qaxoontigii u badnaa ee soo gaadhay Somaliland. Xukumadda ayaa hore u sheegtay inay diyaarinayso Meelo la dejiyo dadka la filayo inay ka soo cararaan Duqaymaha iyo dagaalada Yemen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...