Somalia: Madaxweyne Xasan iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo ku Wajahan Dhuuso-mareeb

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminyo ayaa mar kale maanta ku wajahan degmada Dhuusa-mareeb ee xarunta gobolka Galgaduud, iyadoo la filayo in madaxweynuhu uu ku dhawaaqo madasha lagu qabanyo shirka dhismaha maamulka gobollada dhexe iyo xarunta maamulkaas uu yeelan doono.

Wafdiga madaxweynuhu uu hoggaaminayo ayaa waxaa degmadaas kaga sii hormary wafdi kale oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya, kuwaasoo tan iyo xalay kulammo kala duwan la lahaa odayaasha degmadaas ku sugan.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in madaxweynaha Somalia iyo wafigiisa ay kulammo la qaataan odayaasha dhaqank, wax-garadka iyo xubnaha kale maamulka gobolka Galgaduud.

Xasan Sheekh ayaa toddobaadkii hore laba jeer oo isku xigta ka baaqday in uu safar ku tago Dhuuso-mareeb, iyadoo la sheegay in baaqashadaas ay ka timid odayaasha dhaqanka, si xal looga gaaro khilaaf ku saabsan halka lagu qabanayo shirka dhismaha maamulka gobollada Galguduud iyo Mudug.

Dhanka kale, maamulka Ximan iyo Xeeb ee xaruntooda tahay Cadaado ayaa ka digay in maamulka gobollada dhexe uu yeesho madaxweynayaal dhowr ah, haddii la shaaciyo halka caasimada noqonayso, waxayna ku taliyeen in arrinta go’aan ka gaarista loo daayo ergada shirka.

Ugu dambeyn, Dhuusa-mareeb ayaa waxaa xalay dib ugu soo laabtay qaar ka mid ah wax-garadkii degmada Caabud-waaq oo horay uga baxay shirka; iyadoo la filayo in maantana ay odayaal kale gaaraan shirka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...