Somalia:Ciidamada Kenya oo duqeeyey meelo kamid ah gobolka Gedo

Date:

Wararka ka imaanaya gobolka gedo ayaa sheegaya in habeenimadii Axadda  diyaaradaha dagaalka ee dalka Kiinya ay duqeymo ka geysteen meelo kamid ah gobolka Gedo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Sida ay ku waramayaan dadka deegaanku, waxaa diyaaraduhu bartilmaameedsadeen halka loo yaqaan Gadondhawe oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, waxaana ay dhanka koonfureed kaga beegan tahay Beled Xaawo fogaan dhan 40km. Gadondhawe ayaa sidaan oo kale sanadkii 2012 iyo 2014 Diyaaradaha dagaalka ee Kiinya ay duqeeyeen.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadley VOA ayaa sheegay in duqeymaha diyaaradaha ay barbar socdaan Madaafiicda tiirada dheer oo laga soo tuurayo dhanka Kenya kuwaas oo ku dhacaya tuulada Gadondhawe.

Afhayeenka Mileteriga Kiinya (KDF) David Obonyo  oo la hadley BBC ayaa sheegey in ay ka jawaabeen hanjabaadii al-Shabaab isla markaana ay duqeeyeen laba Kaam oo al-Shabaab ay ku leeyihiin gobolka Gedo.

Madaxweynaha dalka Kiinya Uhuru Kenyatta ayaa wacad u maray in xukuumaddiisu ay jawaab adag ka bixin doonto weerarkii ka dhacay magaalada Garissa.

Lama garan karo khasaaraha ka dhashey weerarkan dhanka cirka ah.

Weerarka ayaa imaanaya maalmo kadib markii koox ka tirsan al-Shabaab ay magalaada Gaarisa ku dileen 148 qof oo u dhashey dalka Kiinya kuwaas oo ahaa ardey wax ka baranaayey jaamacadda Gaarisa, Waqooyi Bari Kiinya.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...