Afghanistan: Talibanka oo shaaciyey Taariikh nololeedka Mullah Cumar

Date:

Ururka Talibanka ee ka dagaalama dalka Afghanistaan ayaa markii ugu horeysay shaaciyey Taariikh nololeedka Hogaamiyaha ururkaasi Mullah Cumar.

Mullah Cumar ayaa ah hogaamiyaha Talibanka soo maamulayey muddo 19 sano ah, waana nin ay si weyn u baadi goobaan dowladaha reer Galbeedka oo ugu horeeyo Maraykanka.Taliban-Mullah_Omar-300x300

Hogaamiyaha Talibanka ayaa dhuumaaleysi ku jira tan iyo 2001, kadib markii ay burburtay dowladii Talibanka ee Afghanistaan markii Maraykanka duulaan wadankaasi ku qaaday.

Mullah Cumar ayaa xiligaasi diiday inuu Maraykanka u gacan geliyo hogaankii Al Qacida ee Osama Bin Ladin iyo Ayman Al Zawahiri oo loo heystay weeraradii 11kii September 2001 ka dhacay Maraykanka.

Khubarada ka faalooda dagaalka ka socda Afghanistan ayaa in muddo ah isku heystay taariikhda uu dhashay hogaamiyaha Talibanka Mullah Cumar oo aan xog badan laga heyn noloshiisa.

Taariikh nololeedka ay Talibanka shaaciyeen ayaa lagu xusay in Mullah Cumar uu dhashay sanadkii 1960kii, wuxuuna kasoo jeeda Beesha Hotak oo ku nool gobalka Kandahar ee dalkaasi Afghanistaan. Aabaha dhalay Mullah Cumar ayaa ahaan jiray Nabadoonada beeshiisa wuxuu dhintay 5 sano markuu jiray Mullah Cumar.

Waxaa sidoo kale qoraalka la shaaciyey lagu xusay in hogaamiyahan uusan lahayn wax Lacag ah oo Bangi u taal iyo waliba wax hanta guri ah.

Mullah Cumar ayaa ah nin horey uga soo qeyb qaatay dagaaladii Ruushka looga saaray Afghanistaan ee socday 1983 illaa 1991, wuxuuna dagaaladaasi ku dhaawacmay 4 goor, wuxuuna ku waayey ishiisa midig.

Macada illaa iyo hada sababta xiligan loogu soo beegay shaacinta Taariikh nololeedka Mullah Cumar.

Maraykanka ayaa dul dhigay soo qabashada ama dilka Mullah Cumar lacag gaareysa 10 milyan oo dollar.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...