Somaliland:Madaxwayne Silaanyo Oo Xafiiskii Barakacayaasha Ee Arrimaha Gudaha Hoos-geeyay Wasaaradda Dib-u-dejinta

Date:

Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Madaxweynaha Somaliland ayaa sheegay inay Wasaaradda Dib-u-dajintu ay hadda la wareegayso Hawlaha Qaxoontiga Iyo Barkacayaasha,taas ooh ore u hoos iman jirtay Wasaaradda Arimaha Gudaha.

Sidaasna waxa lagu sheegay War-saxaafadeed laga soo saaray Qasriga Madaxtooyada oo Nuqul ka mid ahi soo gaadhay Xafiiska Shabakadda Wararka Caalamiga ah ee Somalilandtoday ay ku leedahay Magaaladda Hargaysa.

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-3134/042015 ku go’aamiyey In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha oo hore uga tirsanayd wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay: Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL ee summaddeedu tahay MRR&R/M/6/2025 ee ku Taariikhaysan 21/03/2015, ujeeddadiisuna tahay dib u soo celin Waaxdii Qaxootiga ee Wasaaradda Dib-u-dejinta oo hore loo hoos-geeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Markuu Arkay: Qoraalka summaddiisu tahay M/W/M/241-013/082010 ee ku Taariikhaysan 03/08/2010, ujeedadiisuna tahay in Xilka Wasaaradda Dib-u-dejinta lagu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo looga gol-lahaa in la mideeyo labada Wasaaradood;

Markuu Tixgeliyey: Dib-u-habaynta Wasaaradaha Xukuumadda ee kala saaridda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda

Dib-u-dejinta oo yeelatay jiritaan qaanuuni ah iyo Wasiir

hoggaamiya, Qaab-dhismeedkeediina dib loo soo celiyey;

Markuu Arkay: Qoraalka Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay RSL/VP/AUNA/29-OO1/106 ee 08/01/2006 iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda ee Golaha Wasiirradu ku ansixiyey Shir Lr. 132 ee 03/04/2014, isla markaana Xukuumaddu u gudbisay Golaha Wakiillada Somaliland oo ay ku xusan tahay in dadka qaxooti ahaan u jooga Somaliland, dadka dib uga soo noqonaya Xeryaha, dadka qaxootiga ee dalalka dibedda ka soo noqonaya iyo barakacayaasha gudaha ay Xukuumadda Somaliland uga mas’uul tahay Wasaaradda Dib-u-Dejintu;

Wuxuu go’aamiyey

1. In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha.

2. In Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku wareejiso Wasaaradda Dib-u-dejinta Hawlaha ay haysay intii ay labada Wasaaradood isku jireen ee la xidhiidha qaxootiyada iyo barakacayaasha.

 

ALLAA MAHAD LEH

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...