Kulan maanta dhex maray safiirka dowladda China u jooga Soomaaliya iyo wasiirka arrimaha dibada Dowladda federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa lagu kala saxiixday heshiis iskaashi waxaana dowladda China Soomaaliya ugu deeqday 13 milyan oo Dollar.
Safiirka China ee Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda China ay diyaar u tahay sidii ay wax ula qaban lahayd dowladda federaalka Soomaaliya, Isagoo xusay in ay ka taageerayso dib u dhiska dalka iyagoo ka caawinaya maashaariicda hormarka iyo dhaqaalaha ku baxay, Wuxuu sheegay in deeqdan ay ku wareejiyeen dowladda la filayo in lagu baahiyo maashaariicda dalka ka socda.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Cabdisalaam Hadliye Cumar ayaa u mahadceliyey dowladda China iyo safirkooda u jooga Muqdisho wuxuu sheegay in lacagtan lagu qaban doono mashaariicda wax tarka u leh dalka iyo dadka ee ka qayb qaadanaya dib u dhiska dalka.
Dowladda China ayaa xiriir Diblomaasi oo wanaagsan la lahayd dowladdahii soo maray dalka Soomaaliya, waxaana tan iyo markii ay dib u soo magacowday safiirkeeda Soomaaliya ay ku taageertay dhaqaalo ka duwan oo loogu tala galay dowladda in ay wax ugu qabato shacabka Soomaaliyeed.