Iraq:Ciidamada Ciraq Oo Gudaha U Galay Magaalada Tikrit.

Ciidamada dowlada Ciraaq iyo maleeshiyaadka shiicada ah ayaa markii ugu horeysay gaadhay faras-magaalaha magaalada Tikriit ee caasimada gobalka Salaxudiin.

Ciidamadan ayaa muddo sadex asbuuc ah fadhiyey hareeraha magaalada kadib markii ay iska caabin xoogleh kala kulmeen xoogaga ISIS oo magaalada gacanta ku hayey.

Maalmihii lasoo dhaafay ayey ciidamada Maraykanka iyo kuwa France gacan kasiiyeen dhanka duqeymaha cirka, waxayna taasi u sahashay inay ciidamada gudaha magaalada soogalaan.

Comments

comments