UK:Ololasha doorashada oo ka bilowday Britain

Date:

Ololaha doorashada, ayaa si rasmi ah uga bilowday dalka UK, taasoo dhici doonto bisha May.

Waxaa la filayaa in ay noqoto doorashadii ugu adkayd ee dhinacyadu si aad ah isugu soo dhowaadaan tartanka muddo tobanaan sano ah.

Ra’iisul wasaaraha David Cameron, ayaa aaday xarunta boqortooyada ee Buckingham Palace si uu ugu wargaliyo boqoradda in Baarlamaanka la kala diray, taasoo soo afjaraysa isbahaysi shan sano ah oo u dhaxeeyay xisbiga muxaafidka Conservative-ka iyo kan Demoqraadiyiinta furfura ee Liberal Democrats.

Qiyaas lagu sii sameeyo codadka dadku dhiiban doonaan, ayaa muujisay in xisbiga Consrvativbe-ka iyo mucaaradkooda Labour-ka in ay barbardhac yihiin, iyadoo midkodna uusan haysan aqlabiyad.

Waxaa hubaal la’aanta kaga sii daraya, iyadoo ay xisbiyo yar yar soo kordhayso awoodooda sida wadaniyiinta Scotland ee Scotish Nationalists iyo xisbiga kale ee xornimada UK, UK Independence Party.

Xisbiga conservative-ka hadii dib loo doorto wuxuu ballanqaaday in uu qaban doono afti loo qaadayo xubinnimada Britain ee midowga Yurub.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...