Nigeria:Wararkii ugu dambeeyay ee doorashada Nigeria

Date:

Waxa la shaaciyey kala bar natiijada doorashada dalka Nigeria, ilaa haatanna waxa ku horeeya hogaamiyaha isbahaysiga ugu weyn mucaraadka Jen. Muhammadu Buhari.

Waxay is hayaan madaxweynaha talada haya Goodluck Jonathan.

Guddiga doorashada ee Nigeria ayaa waxa uu shaaciyey Natiijada 19 gobal oo ka mid ah 36-ka gobal ee ay ka kooban tahay Nigeria.

Codad gaaraya 2 milyan ayuu ku horeeyaa Jen. Buhari.

Waxa la filayaa in maanta la shaaciyo natiijada rasmiga ah ee kama dambeysta ah.

Ciddii guulaysata waxay u baahantahay in ay hesho tirada ugu badan codadka la dhiibtay iyo in boqolkiiba 25 ay ka hesho ugu yaraan 24 gobal.

Waa doorasho si aad ah la isugu dhow yahay, ilaa haatanna ma jirto cid sheegatay in laga guulaystay ama in ay guulaysatay.

Kormeerayaasha beesha calaamka ayaa aad u amaanay qaabka ay doorashada u dhacday, iyadoo Britain iyo Mareykanka ay ka digeen faragelin siyaasadeed oo lagu sameeyo tirinta iyo isu geegeynta natiijada.

Haddii isbahaysiga mucaaradka uu guulaysto, waxay noqonaysaa markii ugu horaysay muddo 16 sano ah oo mucaaradka uu awooda la wareego Nigeria.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...