Yeman: Sucuudiga oo hawlgal milatari ka Bilaabay

Date:

Sacuudi Carabiya ayaa gudaha Yemen ka billowday hawlgal milatari oo ay uga jawaabeyso baaqii madaxweynaha Yemen Cabdu-rabuuh Mansuur Haadi.

Qaraxyo ayaa laga soo sheegayaa in laga maqlay magaalada caasimadda ah ee Sanca iyo garoonka ugu weyn eek u yaala koonfurta.

Telefishin taageeraya maleeshiyaadka fallaagada Xuutiyiinta ayaa ugu baaqay hawlwadeenada caafimaadka in ay ka shaqo billaabaan cusbitaalada ku yaala magaalada Sanca.

Safiirka Sucuudiga u fadhiya Mareykanka ayaa sheegay in iyaga iyo golaha ay xulafada yihiin ee iskaashiga khaliijka ay wadaan duqeymo lagu taageeraya dowladda sharciga ah ee Yemen isla markaana looga hortagayo in fallaagadu ay dalka la wareegaan.

Aqalka Cad ee mareykanka looga arrimiyo ayaa sheegay in madaxweyne Obama uu amar ku bixiyay in hawlgalkaasi Sucuudiga hormuudka ka yahay laga taageero dhanka saadka iyo mukhaabaraadka.

Warbaahinta Sucuudiga ayaa sheegtay in xukumadda Riyaad ay hawada dalka Yemen ka dhigeyta meel duulimaadyada ka caagan, waxa ayna maraakiibta uga digtay in ay ku soo dhawaadaan dekadaha Yemen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...